HomeCaalamkaHay’ad Caalami ah oo Itoobiya ugu baaqday in ay kala dirto Ciidanka...

Hay’ad Caalami ah oo Itoobiya ugu baaqday in ay kala dirto Ciidanka Liyuu Boliis

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u kala dirto ciidamada Liyu booliiska ee deegaanka soomaalida Itoobiya. Warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in ciidamada Liyu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si sharci daro ah u laayeen dadka […]

- Advertisement -

Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u kala dirto ciidamada Liyu booliiska ee deegaanka soomaalida Itoobiya.

Warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in ciidamada Liyu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si sharci daro ah u laayeen dadka gobolka dariska la ah ee Oromia .

- Advertisement -

“Xukuumadda Itoobiya waa in sida ugu dhaqsiyaha badan u kala dirtaa ciidamada Liyu booliiska ayna ku badashaa booliis u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay warbixinta Amnesty”.

“Waa in aan loo ogolaan askartan in sida ay doonaan ay dadka ugula dhaqmaan si arxan daro ah ayaa intaa lagu daray”.

Sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International xubnaha Liyuu booliiska ayaa toddobaadkan gubay 48 guri oo ay leeyihiin dadka Oramada kuwaasi oo ku noolaa deegaankaSoomaalida islamarkana lagu qasbay in ay u qaxaan Kiro oo ka tirsan gobolka Oramada.

- Advertisement -

Amnesty International ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladda Itoobiya in ay dhaqangaliso talooyiinkii aftidii 2004 taasi oo loo codeeyay in si cad loo calaamadiyo xuduuda u dhaxaysa Oramada iyo soomaalida si loo xaliyo gundhiga waxyaabaha dhaliyay xiisadda.

Xigasho BBC

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories