HomeCaalamkaWasaarada Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka & Bankiga Aduunka oo tababar ku qabtay...

Wasaarada Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka & Bankiga Aduunka oo tababar ku qabtay magaalada Mombasa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa magaalada Mombasa ee Dalka Kenya lagu soo gebagebeeyey tababar ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka, urur goboleedka IGAD iyo bankiga aduunka kaasoo lagu baranayo qiimeynta iyo ka soo kabashada musiibooyinka. Tababarkan oo soconayey mudo 5 maalin ah ayaa muhiimadiisu ahayd sidii loo hormarin lahaa khibrada iyo aqoonta loo […]

- Advertisement -

Waxaa magaalada Mombasa ee Dalka Kenya lagu soo gebagebeeyey tababar ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka, urur goboleedka IGAD iyo bankiga aduunka kaasoo lagu baranayo qiimeynta iyo ka soo kabashada musiibooyinka.

Tababarkan oo soconayey mudo 5 maalin ah ayaa muhiimadiisu ahayd sidii loo hormarin lahaa khibrada iyo aqoonta loo leeyahay sida loo qiimeyo marka ay dhacaan musiibooyin iyo sida looga soo kabto.

- Advertisement -

Anagoo og in ay soomaaliya ka dhacaan musiibooyin dabiici ah sida Abaaraha, Dabeylo iyo fatahaada webiyada.

Dadkii ka qeyb galay tababarkan ayaa la rajeynayaa in ay  kororsadeen  aqoon iyo qibrad ay la wadaagi doonaan dadka jooga magaalooyinki iyo hay’adihii ay matalayeen.

Waxaa tababarkan ka qeyb galay 40 qof oo kala socda wasaaradaha kala duwan ee Federaalka, maamul goboleedyada iyo hay’adaha maxaliga ah.

- Advertisement -

Waxaa sdioo kale goob joog ah wafdi ka socda Bankiga aduunka, Qaramada midoobe, Midowga Yuurub iyo midowga Africa.

Inta uu socday shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray ka dooditaanka siyaasada ka soo kabashada musiibooyinka, Qaabka maalgelinta ka soo kabashada, Taaba-gelinta mashruucyada iyo in la horumariyo istiraatiijiyada ka soo kabashada musiibooyinka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories