HomeWararSomaliland oo Hubka, Gaadiidka iyo Shirarka aan la ogeyn ka mamnuucday laas-caanood

Somaliland oo Hubka, Gaadiidka iyo Shirarka aan la ogeyn ka mamnuucday laas-caanood

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland ayaa laga soo saaray ammaro lagu mamnuucayo hub,Gaadiidka iyo Shirka aan la ogeyn in lagu qabto Magalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool. Ammaradaas oo ka kooban lix qodob ayaa loo sababaeynayaa xiisada dagaal ee u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland taas oo weli […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland ayaa laga soo saaray ammaro lagu mamnuucayo hub,Gaadiidka iyo Shirka aan la ogeyn in lagu qabto Magalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ammaradaas oo ka kooban lix qodob ayaa loo sababaeynayaa xiisada dagaal ee u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland taas oo weli ka taagan deegaanka tukaraq ee isla Gobolka Sool,iyada oo maalma kahor ay wada dagaalameen.

- Advertisement -

Hoos Ka Akhriso Qodobada ammarka ah ee ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax.

1 – Marka laga reebo ciidanka Booliska oo kaliya, waxaa reeban sidashada iyo la dhexmarka hubka magaalada gudaheeda,

2 – Waxaa reeban in magaalada lagu dhexmaro gaadiid an laheyn Taarigada (Plate) gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland

- Advertisement -

3 -  Waxaa la mamnuucay qabashada shirarka iyo shir-saxaafadeedyada aan oggalaansho ka haysan guddiga nabadgalyada gobolka Sool

4 -  Cid kasta oo ku talaabsata falal kicin ah oo ku lid ah nabadgelyada gobolka sool waxaa loo qaadanayaa danbiile

5 -  Ciddii ku xadgudubta Amarada ku qoran xubnaha 1, 2, 3, & 4 ee wareegtadan waxaa laga qaadaya tallabada sharciga ku haboon

6– Dhamaan xubnaha gddiga nabadgelyada gobolka sool, xubnaha hay’adaha amniga ee gobolka sool iyo degmada laascaanood waxaa la faraya iney toos ugu howlgalaan fulintan amarkaan.

 

Ammarkaan ka soo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya xilli shalay Guddiga difaaca Soomaaliland ay dhankooda soo saareen ammaro ku saabsan in Wadada xiriirisa Garoowe iyo laas-caanood aysan isticmaali Karin Gaadiidka iyo Shacab intaba.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts