HomeCaalamkaKenya oo shaacisay Wadahadal ku saabsan muranka Badda oo u socdo Soomaaliya

Kenya oo shaacisay Wadahadal ku saabsan muranka Badda oo u socdo Soomaaliya

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Monica Juma ayaa markii ugu horreysay waxa ay shaacisay in uu jiro wadahadal u socdo Soomaliya iyo Kenya kaas oo ku saabsan muranka dhinaca badda ah. Muranka Badda ayaa waxaa Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ horay loo horgeeyey,waxana Monica Juma ay sheegtay in uu weli jiro dadaalo kale oo lagu […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Monica Juma ayaa markii ugu horreysay waxa ay shaacisay in uu jiro wadahadal u socdo Soomaliya iyo Kenya kaas oo ku saabsan muranka dhinaca badda ah.

Muranka Badda ayaa waxaa Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ horay loo horgeeyey,waxana Monica Juma ay sheegtay in uu weli jiro dadaalo kale oo lagu doonayo in xal looga gaaro murankaas.

- Advertisement -

“Waxaa weli wadahadal noo socdaa dowladda Soomaaliya,weli waan rajo ka qabnaa in murankaas xal buuxa laga gaaro,waxana jira heshiis isfaham ahaa in labada dal ay kala doortaan in maxkamad ay ku kala baxaan iyo in sihoose loo xaliyo alakin dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ay Maxkamada in lagu kala baxo ku adkeysatay ayey tiri Monica Juma.

Iyada oo Wareysi siineysay Wargeyska New African Magazine ayay rajo wanaasgan ka muujisay xal u helida muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya taas oo soo ifbaxday xilligii ugu dambeysay ee waqtigii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sikastab weli dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kama hadlin murankaas,kaas oo weli horyaalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories