HomeCaalamka(Sawiro ) Dhalinyaro Soomaali ah oo hab beeleed u abaabulan oo isku...

(Sawiro ) Dhalinyaro Soomaali ah oo hab beeleed u abaabulan oo isku rasaaseeyey aroos dalka Mareykanka

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Sida lagu daabacay Shabakada LeoHohmann.com Rag Soomaali ah oo ka tirsan  Kooxaha Gangs-ka ayaa la sheegay inay dhawaan isku rasaaseeyeen Xaflad Aroos oo ka dhacday magaalla-madaxda Gobalka New Hampshire ee Concord. Boliska ayaa sheegay in 4  Burcad Soomaali ah oo ka kala yimid Goballadda Ohio, Tennessee iyo  Pennsylvania  ay weerar ku qaadeen Xaflad Aroos o oay […]

- Advertisement -

Sida lagu daabacay Shabakada LeoHohmann.com Rag Soomaali ah oo ka tirsan  Kooxaha Gangs-ka ayaa la sheegay inay dhawaan isku rasaaseeyeen Xaflad Aroos oo ka dhacday magaalla-madaxda Gobalka New Hampshire ee Concord.

Boliska ayaa sheegay in 4  Burcad Soomaali ah oo ka kala yimid Goballadda Ohio, Tennessee iyo  Pennsylvania  ay weerar ku qaadeen Xaflad Aroos o oay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo qof oo Soomaali ah.

- Advertisement -

Boliska waxay kaloo sheegeen in Maleeshiyadda dagaalantay oo ka soo kala jeeda Labo Beel oo Soomaali ah ay ugu yaraan 2 ka mid ah wateen qoryo iyo inay u muuqdeen kuwo dagaalamay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Kooxahaasi  isku isku weydaarsadeen rasaas, waxayna Boliska halkaasi ka heleen  2 rasha xabbadaha ee Bistooladda dhumucdeedu tahay 38 Kaliibaro.

Shaqaaqadaasi ayaa la sheegay in lagu soo xiray 4 Eedeysane, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay:-

- Advertisement -

 

  1. Saalim Xuseen oo 22-jir ah,

 

  1. Jacfar Khaalid Isaaq oo 19-jir ah,

 

  1. Cabsi Cusmaan Maxamed oo 18-jir ah iyo

 

  1. Cali Daahir Xuseen oo 20-jir ah.

Dhinaca kale, Eedeysanayaashaasi oo la so otaagay Maxkamadda ayaa waxaa 2 ka mid ah lagu sii daayey Damiin Lacageed oo min 10-kun oo Dollar, halka 2-da kalena lagu sii daayey damiin lacageed oo min 750-Dollar ah.

Sorce leohohmann.com

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories