HomeCaalamkaSawirro:-Soomaali isku rasaasaysay Xaflad Aroos oo lagu xiray Maraykanka

Sawirro:-Soomaali isku rasaasaysay Xaflad Aroos oo lagu xiray Maraykanka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Rag Soomaali la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxaha Gangs-ka ayaa la sheegay inay dhawaan isku rasaaseeyeen Xaflad Aroos oo ka dhacday magaalla-madaxda Gobalka New Hampshire ee Concord. Boliska ayaa sheegay in 4  Burcad Soomaali ah oo ka kala yimid Goballadda Ohio, Tennessee iyo  Pennsylvania  ay weerar ku qaadeen Xaflad Aroos o oay ku sugnaayeen […]

- Advertisement -

Rag Soomaali la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxaha Gangs-ka ayaa la sheegay inay dhawaan isku rasaaseeyeen Xaflad Aroos oo ka dhacday magaalla-madaxda Gobalka New Hampshire ee Concord.

Boliska ayaa sheegay in 4  Burcad Soomaali ah oo ka kala yimid Goballadda Ohio, Tennessee iyo  Pennsylvania  ay weerar ku qaadeen Xaflad Aroos o oay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo qof oo Soomaali ah.

- Advertisement -

Boliska waxay kaloo sheegeen in Maleeshiyadda dagaalantay oo ka soo kala jeeda Labo Beel oo Soomaali ah ay ugu yaraan 2 ka mid ah wateen qoryo iyo inay u muuqdeen kuwo dagaalamay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Kooxahaasi  isku isku weydaarsadeen rasaas, waxayna Boliska halkaasi ka heleen  2 rasha xabbadaha ee Bistooladda dhumucdeedu tahay 38 Kaliibaro.

Shaqaaqadaasi ayaa la sheegay in lagu soo xiray 4 Eedeysane, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay:-

- Advertisement -

    Saalim Xuseen oo 22-jir ah,

           Jacfar Khaalid Isaaq oo 19-jir ah

         Cabsi Cusmaan Maxamed oo 18-jir ah

             iyo Cali Daahir Xuseen oo 20-jir ah.

Dhinaca kale, Eedeysanayaashaasi oo la so otaagay Maxkamadda ayaa waxaa 2 ka mid ah lagu sii daayey Damiin Lacageed oo min 10-kun oo Dollar, halka 2-da kalena lagu sii daayey damiin lacageed oo min 750-Dollar ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories