HomeCaalamkaSaraakiil Maraykan ah oo Shaqada looga joojiyey kufsi ay ka geysteen Somalia

Saraakiil Maraykan ah oo Shaqada looga joojiyey kufsi ay ka geysteen Somalia

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Telefishinka CNN-ka ayaa soo weriyey in 2 Sarkaal oo darajo sare ku dhex leh Milliteriga Maraykanka laga joojiyey Shaqada, kadib, markii lagu helay inay fara xumeeyeen Haween ka tirsan Milliteriga Maraykanka ee ka hawlgala Somalia. Afhayeenka Hawlgalladda Khaaska ee Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika (AFRICOM)M Gaashaanle Kasey Osborne ayaa u sheegay Telefishinka CNN in […]

- Advertisement -

Telefishinka CNN-ka ayaa soo weriyey in 2 Sarkaal oo darajo sare ku dhex leh Milliteriga Maraykanka laga joojiyey Shaqada, kadib, markii lagu helay inay fara xumeeyeen Haween ka tirsan Milliteriga Maraykanka ee ka hawlgala Somalia.

Afhayeenka Hawlgalladda Khaaska ee Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika (AFRICOM)M Gaashaanle Kasey Osborne ayaa u sheegay Telefishinka CNN in Saraakiishaasi dib loogu celiyey Saldhigyadooda ku yaalla gudaha Maraykanka, si baartaano dheeraad ah loogu sameeyo.

- Advertisement -

Afhayenka waxa uu magacyadda Saraakiisha laga joojiyey shaqada ku kala sheegay Taliyihii Taliska Hawlgalladda Khaaska ee AFRICOM, Sarreeye Gaas  MARK HIKIS laga joojiyey Taliska Khaaska ee Hawlgalladda Afrika ugu qaabilsan Geeska Afrika iyo La-taliye aan diiwaan u gashnayn Waajibaadkooda, kuwaasi oo isbuucii hore shaqada laga joojiyey, loona duuliyey Maraykanka.

Afhayeenka taliska Hawlgalladda ee AFRICOM waxa u uka gaabsaday inuu faaahfaahin ka bixiyo dabeecadda Eedeymaha rasmiga ee 2-daasi Sarkaal lagu soo oogay ee shaqada looga joojiyey.

Labadaa Sarkaal ayaa la sheegay inay baaritaan ku hayeen Qeybta Dembi-baarista ee Ciiddanka Badda Maraykanka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, tiro badan oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee Navy SEALS waxay  hawlgallo ka fuliyaan gudaha Somalia, iyagoo La-talin siiya Ciiddanka DFS ee dagaalka kula jira Dagaalamayaasha Alshabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories