HomeCaalamka(XOG): Tirada Diyaaradaha iyo Gantaaalladda ee ay Yuhuudda u adeegsatay duqeyntii xalay...

(XOG): Tirada Diyaaradaha iyo Gantaaalladda ee ay Yuhuudda u adeegsatay duqeyntii xalay ka dhacday Suurya.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump saxiixay Go’aankii ay Maraykanka kaga baxeen Heshiiskii Caalamiga ee Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan waxa sare u kacay Xiisadda Diplomaasiyaadeed iyo midda Milliteri ee Iiraan iyo Yuhuudda. Xalay ayeyna Ciiddanka Iiraan ee ku sugan gudaha dalka Suurya waxay Gantaallo li duqeeyeen Baraha ay Ciiddanka Yuhuudda ka joogaan Buuraha Golan Heights […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump saxiixay Go’aankii ay Maraykanka kaga baxeen Heshiiskii Caalamiga ee Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan waxa sare u kacay Xiisadda Diplomaasiyaadeed iyo midda Milliteri ee Iiraan iyo Yuhuudda.

- Advertisement -

Xalay ayeyna Ciiddanka Iiraan ee ku sugan gudaha dalka Suurya waxay Gantaallo li duqeeyeen Baraha ay Ciiddanka Yuhuudda ka joogaan Buuraha Golan Heights ee sannadkii 1974-kii laga qabsaday Suurya.

Madaafiic badan ayaana ku hoobatay qeybo ka mid ah dalka Suurya iyo Buuraha Golan, iyadoo duqeyntii xalay lagu tilmaamay tii ugu cuslayd ee ay labada dhinac is-weydaarsadaan.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Raashiya ayaana il gaar ah ku haysa Xiisadda ka dhex taagan labada dhinac, waxayna Warbixin ka soo saartay duqeyntii xalay la is-weydaarsaday.

- Advertisement -

Intaynaan u guda-gelin Nuxurka Warbixinta Raashiya, Afhayeenka Milliteriga Yuhuudda Colonel Jonathan Conricus waxa uu sheegay inay Dowladda Raashiya ku wargeliyeen duqeyntii ay xalay ka geysteen gudaha dalka Suurya.

Dowladda Raashiya oo jaal dhow la ah Dowladaha Suurya iyo Iiraan ayaa ku baaqday in la is-xakameeyo, lagana fogaado inay colaadda sii socoto.

Haddaba, haddaynu eegno Warka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Raashiya waxaa lagu tiro-koobay cuddadii ay Milliteriga u adeegsadeen duqeyntii xalay ay ku qaadeen fariisimadda ay Milliteriga Iiraan ku leeyihiin gudaha dalka Suurya.

Hawlgalak duqeynta ayaa la sheegay inuusan sahlayn, isla markaana u muuqday mid horey loo qorsheeyey, sida laga dheehan karo inta Diyaarado Dagaal iyo Gantaallo ee ay Milliteriga Yuhuudda adeegsadeen.

Waxayna Difaaca Raashiya xaqiijiyeen inay 28 Diyaaradaha Dagaalka iyo ku-dhawaad 70-gantaal loo adeegsaday Duqeyntii xalay lala eegtay qeybo ka mid ag dalka Suurya.

Warka qoraalka ee ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Raashiya ayaa lagu faahfaahiyey noocyadda Diyaaradaha Dagaalka ee ka qeyb galay Duqeymahaasi.

“28 Diyaaradaha F-15 IYO F-16 ayey Milliteriga Yuhuudda u adeegsadeen Hawlgalkii xalay, iyadoo ku-dhawaad 70 Gantaal la riday” ayaa lagu sheegay Hadalka qoraalka ee ka so obaxay Wasaaradda Difaaca ee Raashiya.

Nidaamka Difaaca ee Milliteriga Suurya ayaa la sheegay inay burburiyeen in ka badan kala-bar Gantaalladii ay Yuhuudda adeegsadeen.

Dhinaca kale, Milliteriga Yuhuudda ayaa sheegay inay beegsadeen Fariisimadda ay Ciiddanka Iiraan ku leeyihiin gudaha Suurya iyo Nidaamka Difaaca ee Milliteriga Suurya oo yaallay agagaarka Dimishiq iyo qeybo ka tirsan Koonfurta dalkaasi.

Milliteriga Yuhuudda waxay sheegeen inay duqeyntaasi u geysteen ssi ay uga jawaabaan 20 Gantaal oo ay Ciiddanka Iiraan ee jooga Suurya la beegsadeen fariisimadda ay Milliteriga Yuhuudda ku leeyihiin Buuraha Golan Heights.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts