HomeCaalamkaDowladda Shiinaha oo beenisay inay caqabad ku yihiin Hawlgalka Maraykanka ka wadaan...

Dowladda Shiinaha oo beenisay inay caqabad ku yihiin Hawlgalka Maraykanka ka wadaan Somalia iyo Yemen

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Shiinaha ayaa beenisay Eedeymaha Mareykankajku sheegay in Ciiddanka shiinaha ee jooga Saldhigooda ku yaalla Jabuuti ay shucaaca Laysarka ku ifiyeen Duulliyayaasha Diyaaradaha Dagaalka ee Hawlgalladda ka fuliya dalalka Somalia iyo Yemen. Milliteriga Maraykanka waxay Jimcihii ku eedeeyeen Shiinaha inay mas’uul ka yihiin dhaawacyo fudud oo Indhaha oo soo gaaray 2 ka mid ah Duulliyayaasha Diyaaradaha […]

- Advertisement -

Shiinaha ayaa beenisay Eedeymaha Mareykankajku sheegay in Ciiddanka shiinaha ee jooga Saldhigooda ku yaalla Jabuuti ay shucaaca Laysarka ku ifiyeen Duulliyayaasha Diyaaradaha Dagaalka ee Hawlgalladda ka fuliya dalalka Somalia iyo Yemen.

Milliteriga Maraykanka waxay Jimcihii ku eedeeyeen Shiinaha inay mas’uul ka yihiin dhaawacyo fudud oo Indhaha oo soo gaaray 2 ka mid ah Duulliyayaasha Diyaaradaha isticmaala Saldhigga Maraykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti.

- Advertisement -

Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, Huwa Junying ayaa sheegtay inay Dowladda Maraykanka ku wargeliyeen inay eedeyntaasi tahay mid la dhoodhoobay oo aysan waxba ka jirin.

Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca ee dalka Shiinaha ayaa soo saartay War lagu beeniyey Ashtakada Maraykanka, waxayna sheegtay inay dhowraan Shuruucda Caalamiga, kana go’an tahay sugidda Ammaanka iyo Deganaanshaha Mandiqadda.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka  ayaa ka walaacsan inay Shiinaha qorsheynayaan sidii ay u kordhin lahaayeen Hawlgalladda Sahminta, si ay ula socdaan Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka ka fuliyaan dalalka Somalia iyo Yemen.

- Advertisement -

4,000 OO Askar Maraykan ah ayaa ku sugan Saldhigga CAMP LEMONNIER oo ay ku leeyihiin dalka Jabuuti, kuwaasi oo badankooda ka qeyb gala Hawlgalka lagula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta ee ku sugan Somalia iyo Yemen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories