HomeCaalamkaAMISOM oo sare u qaaday Walaaca ay ka qabaan heerka Diyaar-garow ga...

AMISOM oo sare u qaaday Walaaca ay ka qabaan heerka Diyaar-garow ga Ciiddanka DFS

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM,Paul L’Okech ayaa sheegay inay Taliyayaasha AMISOM si weyn uga xoojanayaan sidii loo xaqiijin lahaa inay Ciiddanka Somalia li;a wareegaan Sugidda Ammaanka ee Somaalia.  Taliyaha waxa uu tilmaamay  inay Ciiddanka Somalia ee  SNA yihiin kuwo Tababaran, balse aan diyaar garow fiican u lahayn Hawsha ku soo fool leh, wuxuuna carrabka ku […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM,Paul L’Okech ayaa sheegay inay Taliyayaasha AMISOM si weyn uga xoojanayaan sidii loo xaqiijin lahaa inay Ciiddanka Somalia li;a wareegaan Sugidda Ammaanka ee Somaalia.

 Taliyaha waxa uu tilmaamay  inay Ciiddanka Somalia ee  SNA yihiin kuwo Tababaran, balse aan diyaar garow fiican u lahayn Hawsha ku soo fool leh, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in si fiican gacanta loogu hayo, si aan loo baylihin waxqabadkii la soo qabtay.

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM,Paul L’Okech waxa uu tilmaamay inaysan Somalia wax ciiddan ah lahayn muddo dheer, loona baahan yahay indadaal badan la geliyo Tababarka, dib-u-habaynta iyo Diyaarinta Ciiddankaasi.

Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, Richard Omwega oo u dhashay dalka Kenya ayaa sheegay 10-sanno oo ay AMISOM joogtay Somalia kadib inay QM doonayso inay tababaraan Ciiddanka Somalia. Inkasta oo u uka cawday shuruudaha lagu xiray Xilliga Kal-guurka AMISOM ee ay kaga baxayaan Somalia sannadka 2021-ka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalladad Kampala ayaa qoray in 75 Layli Sarkaal uu haatan tababar uga socda gudaha Uganda, kuwaasi oo la filayo inay ku soo biiraan 4.000 Askari ee ay Uganda soo tababartay.

Sidoo kale, Turkiga waxa uu haatan tababarayaa ku-dhawaad 1,000 Askari, halka ay Imaaraadka Carabta horey u tababareen  500 Askari, kueaasi oo ay wehliyaan Ciiddan kale oo ay Maraykanka iyo Midowga Europe tababareen.

Latest stories