HomeCaalamkaMadaxweynaha Kenya oo sheegay Wakiilladda Shisheeye in ay kaalin weyn ku...

Madaxweynaha Kenya oo sheegay Wakiilladda Shisheeye in ay kaalin weyn ku leeyihiin Qalalaasaha Somalia.

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbadiisa Sannadlaha ee u uka jeediyey Barlamaanka Kenya, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonto dadaalkooda ku aadan sidii dalalka deriska loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho. Waxa uu tilmamaay inay Danta Kenya ku jirto Somalia iyo South Suudaan oo deganaansho hela, wuxuuna xusay inay dalalkaasi yihiin kuwa […]

- Advertisement -

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbadiisa Sannadlaha ee u uka jeediyey Barlamaanka Kenya, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonto dadaalkooda ku aadan sidii dalalka deriska loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho.

Waxa uu tilmamaay inay Danta Kenya ku jirto Somalia iyo South Suudaan oo deganaansho hela, wuxuuna xusay inay dalalkaasi yihiin kuwa inta badan sababa ammaan la’aanta.

- Advertisement -

Madaxweynaha Kenya waxa uu ku eedeeyey Wakiilladda Shisheeyaha inay abuureen inta badan Rabshadaha ka jira Somalia, ee ay ku wiiqayaan  DFS, laguna kala qeybinayo dadka Soomaalida.

 

Waxa uu intaasi ku daray in Wakiilladda Shisheeye ee qalalaasaha ka wada Somalia ay cabsi ku hayaan Faa’idada laga dhaxlay  Guusha xanuunka badan laga soo maray ee ay Ciiddanka AMISOM gaareen.

- Advertisement -

Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu carrabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan Taageeradda Somalia ee dib-u-soo-celinta Deganaanshaha.

“Dhamaanteena waa inaan ogaanaa, haddii ay Walaalaheenna Somalia barwaaqaysan yihiin inaan Annagana barwaaqo nahay. Haddii ay nabad yihiin, Annagana waa nahay” ayuu yiri Mdaaxweyne Uhuru Kenyatta, wuxuuna intaasi ku daray inay Siyaasadda Kenya tahay inaan Somalia caawino, si ay ugu so olaabato Nabaddii iyo Barwaaqadii horey loogu yiqiinay

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories