HomeWararWareysi:-Kabtanka Xulka 17-jirada Soomaaliya oo sharaxay sababtii keentay in Mooto Bajaaj ku...

Wareysi:-Kabtanka Xulka 17-jirada Soomaaliya oo sharaxay sababtii keentay in Mooto Bajaaj ku tagaan Xaafadahooda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Shalay muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay Xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya oo kaalinta labaad kas oo galay tartankii bariga & Bartamaha Afrika ee ka socday dalka Burundi,waxana Muqdisho loogu soo dhaweeyey si wanaagsan. Baraha Bulshada ay isticmaasho ayaa waxaa lagu baahinayey Xulka 17-jirada oo Mooto bajaaj ku aadaya xaafadahooda taas oo dad badan oo isugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shalay muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay Xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya oo kaalinta labaad kas oo galay tartankii bariga & Bartamaha Afrika ee ka socday dalka Burundi,waxana Muqdisho loogu soo dhaweeyey si wanaagsan.

Baraha Bulshada ay isticmaasho ayaa waxaa lagu baahinayey Xulka 17-jirada oo Mooto bajaaj ku aadaya xaafadahooda taas oo dad badan oo isugu jira Madax ka tirsan dowladda iyo Shacab intaba ka carey siisay.

- Advertisement -

Kabtanka Xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya Cali Maxamuud Xasan (Cali Xabad) oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa ka sheekeeyey qaabkii loo soo dhaweeyey iyo waliba waxyaabaha keenay in Mooto bajaaj ay Xaafadahooda ku tagaan.

Waxa uu sheegay in Garoonka Aadan-Cadde si wanaagsan loogu soo dhaweeyey sidoo kalena intii ay ku sugnaayeen dalka Burundi dhinac walba laga dhiiragelinayay,isla markaana uu ugu mahad celiyey dowladda iyo Shacabka intaba.

Waxa uu sidoo kale sheegay in isaga Hooygiisa uu iminka uu ku sugan yahay,isla markaana Garoonka ay ka soo qaadeen dhalinyaro asxaabtiisa ah oo markii hore loo diyaariyay, waxa uuna dacaayad uu ku tilmaamay in guryahooda ay ku tageen Mooto Bajaaj.

- Advertisement -

Sidoo kale  waxa uu sheegay in mid ka mid ah Hotelada Muqdisho Qado loogu sameeyey,qado kadibna ay eheladooda u yimaadeen sidaasna ay ku raaceen,isla markaana lagu wargeliyey in Xaflad loo qaban doono sidaasna ay isugu imaan doonaan.

Sikastaba guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shalay sheegay in uu aad uga xun yahay in Ciyaartoydii Xulka Qaranka ay xaafadahooda Bajaaj ku tagaan,isla markaana ay baaritaan ku sameyn doonaan ciddii ka dambeysay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts