HomeWararCiidamo dheeraad ah oo la geeyey Koontoroolada laga soo galo Muqdisho kadib...

Ciidamo dheeraad ah oo la geeyey Koontoroolada laga soo galo Muqdisho kadib afduubkii Haweeney u dhalatay Jarmalka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Iyada oo Caawa Magalada Muqdisho lagu afduubtay Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka ayaa waxaa laga dareemayaa gudaha Magalada Muqdisho kadib markii Ciidamo aad u farabadan lagu arkay Wadooyinka qaar ee Muqdisho. Warar goordhow soo gaaray Raadiyaha Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Koontoroolada laga soo galo Magalada Muqdisho intooda badan la geeyey Ciidamo dheeraad ah […]

- Advertisement -

Iyada oo Caawa Magalada Muqdisho lagu afduubtay Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka ayaa waxaa laga dareemayaa gudaha Magalada Muqdisho kadib markii Ciidamo aad u farabadan lagu arkay Wadooyinka qaar ee Muqdisho.

Warar goordhow soo gaaray Raadiyaha Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Koontoroolada laga soo galo Magalada Muqdisho intooda badan la geeyey Ciidamo dheeraad ah sida ay Dalsan u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.

- Advertisement -

Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dambeyso in laga cabsi qabo in haweeneyda u dhalatay dalka Jarmalka ee u Shaqeyneysay Hay’adda ICRC in Magalada Muqdisho lagala baxo oo lala aado banaankeeda.

Waxaa si aad ah loo xoojiyey Isgoyska Ex-koontorool Afgooye oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Xerada Maslax ee Xaafada Suuqa Xoolaha,iyada oo gaarigii soo maraa si aad ah loo baarayo.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida Soomaaliya ayaa wada howlgallo ay ku baadi goobayaan halka la geeyey haweeneyda u dhalatay dalka Jarmaalka ee Caawa la afduubtay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories