HomeCaalamkaSoomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya , Mahamed Aadan Jimcaale (koofi) oo safar shaqo ku jooga wadanka Jabuuti ayaa booqasho ku tagay Degmada lowya cadde oo uu ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Jabuuti. Mudane; Koofi iyo masuuliyiinta ku wehlisa socdaalkiisa, ayaa halkaasi kula kulmay madax ka tirsan waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Jabuuti, iyagoo ka […]

- Advertisement -

Agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya , Mahamed Aadan Jimcaale (koofi) oo safar shaqo ku jooga wadanka Jabuuti ayaa booqasho ku tagay Degmada lowya cadde oo uu ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Jabuuti.

Mudane; Koofi iyo masuuliyiinta ku wehlisa socdaalkiisa, ayaa halkaasi kula kulmay madax ka tirsan waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Jabuuti, iyagoo ka wada sheekeystay xaaladda socdaalka Labada dhinac iyo sidii laysaga kaashan lahaa haddey jiraan caqabado ka taagan xadka.

- Advertisement -

Sidoo kale wuxuu Agaasimuhu u kuurgalay  howsha halkaasi ka socota iyo nidaamka ay ku shaqeyaan sarakiisha qaabbilsan socdaalka xudduudaha ee Dalka Jabuuti, wuxuuna shaqada halkaasi ka socota ku mid wanaagsan oo ku dayasho mudan.

Agaasime Mahamed Aadan koofi ayaa sidoo kale booqday Safaradda Soomaaliya ee ku taalla Caasimadda Jabuuti, waxana halkaasi kusoo dhaweeyay ku simaha Safiirka Soomaaliya ee Jabuuti, C/raxmaan Maxamed Hiraabe iyo masuuliyiin ka tirsan howl-wadeennada Safaaradda.

Mr; Koofi ayaa intii uu ku sugnaa Safaaradda wuxuu kormeeray qaybta socdaalka , isagoo u kuur galay sida ay u shaqeyso qaabka ay Baasaboorrada u qaataan Dadka Soomaaliyeed iyo howsha ballaaran ee ka socta safaradda Soomaaliya ee Jabuuti.

- Advertisement -

Agaasime Koofi ayaa kulan gaar ah la qaatay taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col; C/laahi Cabdi Faarax, oo isagu ay hoos timaaddo waaxda socdaalka Jabuuti,iyagoo ka wada hadlay xiriirka waaxaha socdaalka ee Labada Dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Walaalnimo ee ka dhaxeeya Labada Waddan iyo Labada Shacab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories