HomeCaalamkaSawirro:-Dowladaha Soomaaliya iyo Kuwait oo Heshiis kala saxiixday

Sawirro:-Dowladaha Soomaaliya iyo Kuwait oo Heshiis kala saxiixday

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wafdi uu hugaaminayo Wasiirka  Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maalmahaan booqasho rasmi ah ku joogey Dalkani Kuwait ayaa maanta halkaasi kulamo kula qaatay dhigiisa dalka Kuwait oo ay wada gaareen heshiiis is afgarad ah. Booqashada Wasiir Maareeye oo ay ku wehliyeen ganacsato iyo xubno kale ka tirsan Wasaradda […]

- Advertisement -

Wafdi uu hugaaminayo Wasiirka  Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maalmahaan booqasho rasmi ah ku joogey Dalkani Kuwait ayaa maanta halkaasi kulamo kula qaatay dhigiisa dalka Kuwait oo ay wada gaareen heshiiis is afgarad ah.

Booqashada Wasiir Maareeye oo ay ku wehliyeen ganacsato iyo xubno kale ka tirsan Wasaradda Qanacsiga ayaa ah mid lagu xoojinayo xariirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dowladood Kuwait iyo Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasiir Maareeya aya dhigiisa kulanka ay wada qaateen kaddib kala saxiixday heshiis qodobo dhowr ah oo dhinacyo badan taabanaysa, taasoo wax ku ool u ah labada dowladood

Sidoo kale Wasiirka ganacsiga ayaa kulamo la yeeshay madax kala duwan iyo maal qabeeno , taasoo lagu sii xoojinayay xariirka labada dowladood, isla markaana ugu mahadceliyay soo dhaweynta baaxada leh oo ay u fidiyeen isaga iyo wafdigii la socday.

Wasiirka gancsiga ayaa u mahad celiyay diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait oo ugu horeeyo siihaayaha Safaaradda Abiib Musa Farax oo had iyo jeer ku howlan xoojinta xiirika labada dowladood.

- Advertisement -

Hashiiskaan ay wada saxiixdeen labada Wasiir ee Kuwait iyo Soomaaliya ayaa la filaaya inuu wax ka badali doono hab u socdka kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta dalka oo  ay ku talaabsaneyso dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka qeyb qaley shir qanacsi oo ay ku kulmeen dowlado badan.

Ugu dambeyn Wafdiga Wasiirka ayaa ka soo amba baxay dalka Kuwait kuwaasi oo ku soo wajahan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories