HomeWararAskari Xaaskiisa ku dilay Kismaayo oo ka soo Muuqday Maxkamada Ciidamada

Askari Xaaskiisa ku dilay Kismaayo oo ka soo Muuqday Maxkamada Ciidamada

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xeer ilaalinta Maxkamada Darajada Koowaad  Ciidamada  Qalabka sida Maamulka Jubbaland ayaa ayaa gudbisay dacwad ka dhan ah Askari ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland oo Xaaskiisa dhawaan ku dilay Magalada Kismaayo kaas oo lagu Magacaabo C/llaahi Asad Ismaaciil. Xeer ilaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland Mowliid Axmed Yaasiin  ayaa sheegay in dacwadaas ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xeer ilaalinta Maxkamada Darajada Koowaad  Ciidamada  Qalabka sida Maamulka Jubbaland ayaa ayaa gudbisay dacwad ka dhan ah Askari ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland oo Xaaskiisa dhawaan ku dilay Magalada Kismaayo kaas oo lagu Magacaabo C/llaahi Asad Ismaaciil.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland Mowliid Axmed Yaasiin  ayaa sheegay in dacwadaas ay ka gudbiyeen Eedeysane C/llaahi Asad Ismaaciil oo xilli habeen ah 14-Kii Bishan uu Xaafada Calanleey uu dil ugu geystay Xaaskiisa Muxubo Maxamed Guure.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ee Jubaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa Maxkamada ka sheegay in Qareenada eedaha ku soo oogay Askariga dilka geystay aysan maxkamada hor keenin Cadeymo dhameystiran si danbigiisa loogu qaado.

Waxa uu sheegay in Maxkamada dib la isugu soo laabanayo 15-Ka Bisha soo Soocta ee May, markaas oo la doonayo in la soo bandhigo Cadeymaha buuxa ee laga hayo C/llaahi Aasad Ismaaciil oo ah 28 Sano jirka dilay Xaaskiisa.

Dhageysiga Dacwada Eedeysanaha ayaa waxaa Goob Joog ka ahaa Ehelada Marxuumada la dilay, Iyagoo walaac ka muujiyay in la sii daayo Ninka dilka geystay oo hada ku jira gacanta Ciidamada amaanka ee Maamulka Jubaland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts