HomeWararDhageyso:-Turkiga oo Dad lixaadka naafo ka ah Maanta u qeybiyey Gawaari+Sawirro

Dhageyso:-Turkiga oo Dad lixaadka naafo ka ah Maanta u qeybiyey Gawaari+Sawirro

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

  Hay’adda Bish Cas ee Dalka Turkiga ayaa Maanta waxa ay Gawaarida ay ku socdaan dadka Naafada ah waxa ay u qeybisay ilaa 80 Ruux oo isugu jiray  Caruur,Haween iyo rag naafo ah,isla markaana ku sugan Muqdisho. Goobta lagu wareejinayay deeqdaan Gawaarida ah ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka Dalka Turkiga u fadhiyo Soomaaliya  Olgan Baker,guddoomiyaha […]

- Advertisement -

 

Hay’adda Bish Cas ee Dalka Turkiga ayaa Maanta waxa ay Gawaarida ay ku socdaan dadka Naafada ah waxa ay u qeybisay ilaa 80 Ruux oo isugu jiray  Caruur,Haween iyo rag naafo ah,isla markaana ku sugan Muqdisho.

- Advertisement -

Goobta lagu wareejinayay deeqdaan Gawaarida ah ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka Dalka Turkiga u fadhiyo Soomaaliya  Olgan Baker,guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo masuuliyin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ugu baaqay dadka fursada u helay in ay qalabkaan helaan,isla markaana sidii loogu talo galay ay u adeegsadaan.

Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed dhankooda looga baahan yahay in ay garab istaagaan walaalahoda Turkiga oo had iyo jeer u taagan Caawinta dadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Safiirka Dalka Turkiga u fadhiyo Soomaaliya  Olgan Baker ayaa isna waxa uu sheegay in dadkaan naaafda ah ee Maanta ay siiyeen Gawaarida ay ku socaan looga baahan yahay in ay u isticmaalaan sidii loogu talo galay,isla markaana dowladda Turkiga ay siiwadi doonto caawinta dadka Soomaaliyeed.

Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories