HomeWararSarkaal Ciidan oo Caawa lagu dilay Magalada Muqdisho

Sarkaal Ciidan oo Caawa lagu dilay Magalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Caawa qeybo ka mid ah xaafada Macalin Nuur oo ka tirsan degmada dharkenley waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa dadka deegaanka waxa ay magaciisa ku sheegeen Maxamed Xasan Ciise,waxana la sheegay in xiliga la dilayay uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn hoygiisa.

Kooxdii ka dambeysay dilka Sarkaalka oo ka tirsanaa ciidamada milateriga ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana daqiiqado kadib goobta soo gaaray oo howlgallo baaritaano ah sameeyey ciidamo ka tirsan dowladda,in kastoo dadkii dilka geystay aysan qaban.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa dalsan u faah faahiyay xaalada xiligaan goobta uu dilka ka dhacay.

“Sxb xaafada ayaa lagu dilay Nin ka tirsanaa saraakiisha Ciidamada dowladda oo la dhaho Maxamed Xasan Ciise,dadkii dilay weey carareen anaga markan xabada maqalnay waan naxnay,ciidamo ayaa yimid dhalinyaro badan ayay qabqabteyn laakin hadda xaaladu waa caadi ayuu yiri goobjoogaha.

Dilka Sarkaalkaan ayaa ku soo aadaya xili xalay fiidkii Isgoyska Hotelka Towfiiq ee degmada Yaaqshiid lagu dilay laba qof oo uu mid ka mid ah ahaa Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories