HomeWararSawirro:-Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada oo heshiis kala saxiixday

Sawirro:-Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada oo heshiis kala saxiixday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yarisow) oo ka qeyb galayey munaasabad ay heshiis dhanka waxbarashada ah ku kala saxiixanayeen Maamul Gobolka iyo Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayaan dadaallada horumarinta waxbarashada asaasiga ah ee gobolka. Heshiiskan ayaa dhigaya in Maamulka Gobolka Benaadir lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yarisow) oo ka qeyb galayey munaasabad ay heshiis dhanka waxbarashada ah ku kala saxiixanayeen Maamul Gobolka iyo Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayaan dadaallada horumarinta waxbarashada asaasiga ah ee gobolka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Maamulka Gobolka Benaadir lagu wareejiyo gacan ku heynta iskuulka 15ka May ee magaalada Muqdisho oo dhawaan dib loo furay.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in iskuulkan uu qeyb weyn ka soo qaatay waxbarashada kumanaan shacab ah oo ku dhaqnaa gobolka Benaadir xiigii Kacaankii haatanna dib loo furay kaddib dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyey.

“Iskuulkan waxa uu ka mid ahaa goobihii ku tilmaamnaa waxbarashada asasaasiga oo haatan aan ku dadaaleyno sidii aan dib ugu soo nooleyn lahayn, gaar ahaan in aan soo celinno fursadaha waxbarashada bilaashka ah ee tacliinta asaasiga.”

Eng.Yariisow waxa uu sheegay in la qorsheynayey in sannad dugsiyeedkan lagu bilaabo furitaanka dugsiga 15ka May 60 arday oo kaliya, balse muddada saddexda todobaad ah ee uu furanyahay la diiwaan geliyey arday kor u dhaafeysa 600 oo arday, taas oo ka tarjumeysa baahida loo qabo dib u soo nooleynta tacliinta bilaashka ah ee ay ku tiirsanyihiin qooysaska danyarta ah.

- Advertisement -

Guddoomiyaha waxa uu uga mahad celiyey dawladda Masar kaalinta ay ka qaadatay dib u furitaanka dugsigan, isagoona ugu baaqay in ay soo kordhiyaan tirada macalimiinta haatan wax ka dhiga dugsigan si loo buuxiyo baahida ay sababtay tirada ardayda dheeraadka ah ee la diiwaan geliyey.

Heshiiskan waxaa Maamulka Gobolka Benaadir u saxiixay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed halka Wasaaradda Waxbarashadana uu u saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Xasan Maxamed Cali, iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxman Daahir Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow), Guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda iyo Danjire Ku Xigeenka Safaaradda dalka Masar ee Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts