HomeWararDhageyso:-Baarlamaanka Soomaaliland oo diiday heshiiskii Shiradda DP World ee Dekada Berbera

Dhageyso:-Baarlamaanka Soomaaliland oo diiday heshiiskii Shiradda DP World ee Dekada Berbera

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Kulan ayay Maanta golaha Wakiilada Maamulka soomaliland ku yeesheen Magaalada Hargeysa,waxana kulankaas hortegay Gudigii Soomaliland Wakiilka uga ahaa heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dekada Berbera. Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire oo ka socday gudiga Wakiilka uga ahaa Soomaaliland heshiiskaas ayaa xili uu Golaha ka hor Akhrinayay hehsiiskaas waxaa buuq ku furay qaar ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kulan ayay Maanta golaha Wakiilada Maamulka soomaliland ku yeesheen Magaalada Hargeysa,waxana kulankaas hortegay Gudigii Soomaliland Wakiilka uga ahaa heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dekada Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire oo ka socday gudiga Wakiilka uga ahaa Soomaaliland heshiiskaas ayaa xili uu Golaha ka hor Akhrinayay hehsiiskaas waxaa buuq ku furay qaar ka mid ah Golaha Wakiilada oo diidan heshiiskaas.

- Advertisement -

Xildhiban Xaamud iyo xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa ay ku doodeen in Madaxda Soomaaliland iyo Wakiiladii heshiiskas Goobjooga ka ahaa in ay cadeeyaan ama ay Golaha Wakiilada horkeenaan.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Warabhinta si kooban ula hadlay ayaa sheegay in la doonayo dhowr qodob oo kala ah kow in marka hore Golaha Wakiilada la soo marsiiyo si ay u meel mariyaan sidoo kale heshiiskii kan ka horeeyay ee Bishii May la gaaray yaa awood u siiyay in Madaxda Soomaaliland in ay kaligood gaaraan.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Soomaliland Maanta aysan heysan aqoonsi Caalami ah sidaas daraadeedna aysan awood u laheyn in Shirkad Weyn ay Malaayiin Dollar uga qaadato in ay maalgashato Dekada Barbara iyada oo aan soo marin Golaha Wakiilada.

- Advertisement -

Ugu dambeyn waxa uu dalbaday in Golaha Wakiilada Soomaliland heshiiskaas la horkeeno si loo ansixiyo ama loo diido intaba.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Ibarahim Mahdi Buubaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts