HomeCaalamkaTrump iyo Kim Jong-un oo markii koowaad fool-ka-fool u kulmaya

Trump iyo Kim Jong-un oo markii koowaad fool-ka-fool u kulmaya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay in uu la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, taas oo ah wax aanan la filanaynin. Waxaa arrintan shaaciyay sargaal sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo hoggaaminayay wafti dhawaan kasoo laabtay booqasho ay ku tageen dalka Kuuriyada Waqooyi, halkaas oo ay ka sideen fariin ah in hoggaamiyaha dalkaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay in uu la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, taas oo ah wax aanan la filanaynin.

Waxaa arrintan shaaciyay sargaal sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo hoggaaminayay wafti dhawaan kasoo laabtay booqasho ay ku tageen dalka Kuuriyada Waqooyi, halkaas oo ay ka sideen fariin ah in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu diyaar u yahay in uu waanwaan la galo Maraykanka, islamarkaasna joojiyo kordhinta samaynta hubka Nuyuukleerka iyo tijaabada gantaalada.

- Advertisement -

Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegay in horumarkan cusub ee soo kordhay ay ka dhalatay sanado badan oo dadaalo dublamaasiyadeed, islamarkaasna aysan ahayn arrin si sahlan ku dhacday.

Trump ayaa sheegay in waxa dhacay ay yihiin horumar weyn oo soo kordhay, balse waxa uu sheegay in cunaqabataynta ay sii jiri doonto.

Kuuriyada Waqooyi wali wax war ah kama aysan soo saarin.

- Advertisement -

Dalkan ayaa muddo aad u dheer go’doon ka ahaa adduunka intiisa kale sababtuna tahay ku xad gudub xuquuqda aadanaha ah oo caddeymo badan laga hayo iyo horumarinta barnaamijka hubka nuyuukleerka.

Labada nin oo bilihii lasoo dhaafay hawada isu mariyay hadalo kulkulul ayaa laga wardhawri doonaa kulankood oo noqoya kii ugu horeeyay oo dhexmara labo hoggaamiye oo Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ka kala socda.

Lama oga meel ay ku kulmayaan, balse waxaa loo malaynayaa in kulanka uu ka dhici karo aagga militariga ka caaggan ee u dhaxeeya labada Kuuriya, ama Shiinaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts