HomeCaalamkaTrump iyo Kim Jong-un oo markii koowaad fool-ka-fool u kulmaya

Trump iyo Kim Jong-un oo markii koowaad fool-ka-fool u kulmaya

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay in uu la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, taas oo ah wax aanan la filanaynin. Waxaa arrintan shaaciyay sargaal sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo hoggaaminayay wafti dhawaan kasoo laabtay booqasho ay ku tageen dalka Kuuriyada Waqooyi, halkaas oo ay ka sideen fariin ah in hoggaamiyaha dalkaas […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay in uu la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, taas oo ah wax aanan la filanaynin.

Waxaa arrintan shaaciyay sargaal sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo hoggaaminayay wafti dhawaan kasoo laabtay booqasho ay ku tageen dalka Kuuriyada Waqooyi, halkaas oo ay ka sideen fariin ah in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu diyaar u yahay in uu waanwaan la galo Maraykanka, islamarkaasna joojiyo kordhinta samaynta hubka Nuyuukleerka iyo tijaabada gantaalada.

- Advertisement -

Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegay in horumarkan cusub ee soo kordhay ay ka dhalatay sanado badan oo dadaalo dublamaasiyadeed, islamarkaasna aysan ahayn arrin si sahlan ku dhacday.

Trump ayaa sheegay in waxa dhacay ay yihiin horumar weyn oo soo kordhay, balse waxa uu sheegay in cunaqabataynta ay sii jiri doonto.

Kuuriyada Waqooyi wali wax war ah kama aysan soo saarin.

- Advertisement -

Dalkan ayaa muddo aad u dheer go’doon ka ahaa adduunka intiisa kale sababtuna tahay ku xad gudub xuquuqda aadanaha ah oo caddeymo badan laga hayo iyo horumarinta barnaamijka hubka nuyuukleerka.

Labada nin oo bilihii lasoo dhaafay hawada isu mariyay hadalo kulkulul ayaa laga wardhawri doonaa kulankood oo noqoya kii ugu horeeyay oo dhexmara labo hoggaamiye oo Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ka kala socda.

Lama oga meel ay ku kulmayaan, balse waxaa loo malaynayaa in kulanka uu ka dhici karo aagga militariga ka caaggan ee u dhaxeeya labada Kuuriya, ama Shiinaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories