HomeWararMaamulka Hir-Shabeelle oo Xabsiga dhigay Ganacsato la kulantay Al-Shabaab

Maamulka Hir-Shabeelle oo Xabsiga dhigay Ganacsato la kulantay Al-Shabaab

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Magaalada jowhar lagu xiray qaar ka mid ah Ganacsatada Magaaladaas. Ganacsatada la xiray ayaa wax ay gaarayaan ilaa 17, waxana lagu eedeeyay in deegaanka Gamboole oo 50km ka xiga dhinaca galbeed Johwar kula kulmeen Masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab. Ganacsatada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Magaalada jowhar lagu xiray qaar ka mid ah Ganacsatada Magaaladaas.

Ganacsatada la xiray ayaa wax ay gaarayaan ilaa 17, waxana lagu eedeeyay in deegaanka Gamboole oo 50km ka xiga dhinaca galbeed Johwar kula kulmeen Masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab.

- Advertisement -

Ganacsatada la xiray ayaa isugu jira kuwa Xoolaha ka Ganacsada iyo kuwa kale caadiga ah intaba,waxana xiliga la xirayay ay ku sugnaayeen Koontoroolka laga soo galo Magaalada sida aan Wararka ku helnay.

Ganacsatada qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka ay u tageen kadib markii loo yeeray isla markaana ay la kulmeen Al-Shabaab in kastoo aysan faah faahin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Dad ku nool Magaalada Jowhar oo diiday in Magacooda iyo codkooda  qalabka Warbaahinta loo adeegsado ayaa waxa ay Dalsan u sheegen in Ganacsatada la xiray qaarkood ay ka mid yihiin kuwo Caanka ah gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan Jowhar.

- Advertisement -

Sikastaba weli wax war ah kama soo bixin Maamulka Hir-Shabeelle ee ku aadan xariga Ganacsatada,waxana horay u jirtay in Maamulku uu War ka soo saaray Ganacsatada la kulma Al-Shabaab iyo kuwa dacwadaha u aadaha Maxkamadahooda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts