HomeWararBeelo Soomaaliyeed oo kala qaatay magta 41 nin oo ay kala dileen...

Beelo Soomaaliyeed oo kala qaatay magta 41 nin oo ay kala dileen (Warbixin)

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Heshiis taariikhi ah ayaa magaalada Balanbale ee gobolka Galguduud ku dhex maray beelo Soomaaliyeed oo muddo qarni ah halkaasi dirir soo noqnoqatay ku dhexmaraysay, sida ay sheegeen odayaasha labada beelood. Labada beelood ayaa ku heshiiyay in wixii hadda ka dambeeya dhibaato kasta oo ka dhex dhacda ay la tiigsadaan diinta Islaamka, gaar ahaan dilka oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Heshiis taariikhi ah ayaa magaalada Balanbale ee gobolka Galguduud ku dhex maray beelo Soomaaliyeed oo muddo qarni ah halkaasi dirir soo noqnoqatay ku dhexmaraysay, sida ay sheegeen odayaasha labada beelood.

Labada beelood ayaa ku heshiiyay in wixii hadda ka dambeeya dhibaato kasta oo ka dhex dhacda ay la tiigsadaan diinta Islaamka, gaar ahaan dilka oo qofkii qof kale dila loo gacan galinayo reerkii uu wax ka dilay oo leh qisaastiisa.

- Advertisement -

Dad gaaraya illaa 41 nin oo labada beelood ay kala dileen ayaa lagu xisaabtamay, qoysaskii ay ka baxeene la siiyay xaqoodii.

Nabadoon Maxamed Daahir oo isna BBC-da u waramay ayaa yiri “hadda ka bacdi wixii dhaca, shareecada islaamka ayaan la tiigsanaynaa, wixii hadda ka hor dhacayna in dadkii laga sabarsiiyo”, wuxuuna intaas ku daray in ay suurtogal tahay in hubka laga dhigo dadka hubeysan, laguna wareejiyo dowladda.

Mar aan wax ka weeydiinay odayaasha sida ay u hirgalinayaan heshiiska ayay sheegeen in hadda ay dalka ka jirto dowlad federaal iyo mid heer goboleed ah, taas oo soo qaban karta qofkii dambi geysta, beelahana ay ka go’antahay in aysan hoosta ku heysanin qof dhib geystay.

- Advertisement -

Inkasta oo ay aad u yaraadeen dagaaladii beelaha Soomaaliyeed dhexmari jiray, ayaa haddane heshiiskan waxa uu ka dhiganyahay mid muhiim u ah nabadda Soomaaliya, wuxuuna soo afjarayaa colaad muddo dheer soo jiitamaysay, waa haddii la hirgaliyo.

bbc

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts