HomeWararWasiir Maareeye oo fariin u diray Ganacsatada Soomaaliyeed

Wasiir Maareeye oo fariin u diray Ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Kulan  ujeedkiisu ahaa  sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka ganacsiga Soomaaliya iyo sidii suuqyo cusub loogu furli lahaa wax soo saarka beeraha Xoolaha iyo kallunka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay so qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa ka qeybgalay kulankaasi Wasiirada Ganacsiga iyo warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kulan  ujeedkiisu ahaa  sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka ganacsiga Soomaaliya iyo sidii suuqyo cusub loogu furli lahaa wax soo saarka beeraha Xoolaha iyo kallunka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay so qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalay kulankaasi Wasiirada Ganacsiga iyo warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada,iyo madaxda Rugaha Ganacsiga Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada,iyadoo intii uu kulankaasi socday siweyn loogu gurfeeyey sidii loo heli lahaa fursado sahlayo in badeecada Dalka ay hesho suuqyo Caalami ah loona dhoofin lahaa.

- Advertisement -

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay furitaanka kulankaasi ayaa sheegay in  looga baahanyahay Ganacsatada in marka hore ay bixiyaan canshuuraha dalka,taasi oo keeni karta in uu yimaado horumar  dhanka ganacsiga ah,isagoo xusay in ka wasaarada ahaan ay qaadanayaan dowrkoodi ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar dhinacyo badan leh oo ganacsiga ah.

Sido kale waxaa halkaasi ka hadlaya Wasiiradii ganacsiga Dowlad Goboleedyada,Jubbaland,Fariid Jaamaca Suleymaan,K/Galbeed Warsame Dhoofane Dhaqane,Hirshabeele,Yaxye Ismaaciil Maxamed,Galmudug Cabdiladhiif C/llaahi Warsame,kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweynayaan qorshayaasha lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya,iyagoo dhanka kale soo bandhigay aqabadaha horyaala dhinaca ganacsiga Dalka oo ay kamid yihiin in ganacsatadu ay ogaadaan in mas’uuliyad weyn ay ka saran tahay bulshadooda.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadad dadaalo lagu horumarinayo Ganacsiga Dalka,si loola jaanqaado dunida inteedi kale,iyadoo ay raadinayso fursado dalka lagu maalgashan karo,sida uu sheegay Wasiirka Wasaaraddaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts