HomeWararDowladda Britain oo ka qeyb qaadaneysa xalinta xiisada ka taagan Magaalada Kismaayo

Dowladda Britain oo ka qeyb qaadaneysa xalinta xiisada ka taagan Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Shalay ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland gaaray Danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar,isaga oo la kulmay Madaxda Jubbaland.

Wararka ay heshay Dalsan ayaa wax ay sheegayaan in ujeedada wefdiga Safiirka ay qeyb ka tahay sidii xal looga gaari lahaa xiisada Siyaasadeed ee ka dhex taagan Xubno ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

- Advertisement -

Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxa ay sihoose Dalsan ugu sheegeen in xalay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo David Concar ay kulan gaar ah ku yeesheen Xarunta Madxtooyada Jubbaland ee Kismaayo in kastoo aan la shaacin waxyaabihii ka soo baxay.

Sidoo kale Maanta ayaa waxaa dhici doona kulamo gooni gooni ah sixal looga gaaro xiisadaas u dhaxeysa Xubno Xildhibaano ah iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhinaca kale weli waxaa Magaalada Kismaayo ku xiran Xildhibaan Axmed Taajir oo lagu eedeeyay in uu horboodayay tiro Xildhibaano ah oo waday mooshin ka dhan ah Axmed Madoobe,iyada oo gudiga Anshaxa Baarlamanka Jubbaland ay sheegeen in ay xasaanadii kala noqdeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories