HomeWararSawirro:-Wasiir Canshuur oo sheegay in la dhisayo Hay’ad nidaamisa isgaarsiinta dalka

Sawirro:-Wasiir Canshuur oo sheegay in la dhisayo Hay’ad nidaamisa isgaarsiinta dalka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in mudnaanta 1aad ee Wasaaradda xilligan ay tahay sidii loo dhisi lahaa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loogu talo galay inay nidaamiso isgaarsiinta dalka. Wasiirka oo ka hadlayay aqoon-is-weydaarsi socday muddo 3 maalmood ah oo loo qabtay shirkadaha isgaarsiinta, shirkado la-talin iyo Kooxda Hawl-fulinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in mudnaanta 1aad ee Wasaaradda xilligan ay tahay sidii loo dhisi lahaa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loogu talo galay inay nidaamiso isgaarsiinta dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay aqoon-is-weydaarsi socday muddo 3 maalmood ah oo loo qabtay shirkadaha isgaarsiinta, shirkado la-talin iyo Kooxda Hawl-fulinta oo loogu talo galay inay taageero farsamo ka geystaan sidii loo dhisi lahaa hay’addii ugu horreysay ee nidaamisa isgaarsiinta dalka.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa sheegay in markii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu saxiixay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka bishii Oktoobar 2017, ay Wasaaraddu ka dalbatay Bankiga Adduunka taageero farsamo oo lagu dhisayo Hay’adda, iyadoo Bankigu uu gacan ka geystay in la hawl-geliyo khubaro Wasaaradda kala talin doona sida ugu habboon ee lagu dhisi karo Hay’ad nidaamisa, isla markaana horumarisa isgaarsiinta dalka.

“Waxaad haysataan fursad naadir ah oo aad ku aasaaseysaan hay’ad cusub oo aysan xannibeynin caqabadaha maamul ee haysta hay’adaheena dawladeed ee hore u jiray. Waxaad mas’uul ka tihiin guusha ama guul-darrada hay’addan cusub, waxaana idinku adkeynayaa inaad sameysaan wax kasta oo awooddiina ah – qof qof iyo koox ahaanba – oo aad dalka ugu aasaaseysaan hay’ad sharaf iyo awood leh,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa ku adkeeyay in cid kasta oo ku lug leh dhismaha hay’addan laga doonayo in ay ka soo dhalaasho kaalinteeda kaga aaddan dhismaha hay’addan cusub. “Waxaan dooneynaa inaan dhisno hay’ad tusaale u noqota oo ay ku daydaan hay’adaha kale ee dawladeed” ayuu intaasi ku daray.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa u mahad celiyay Bankiga Adduunka oo taageero farsamo u fidinaya dhismaha Hay’addan Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana marti-geliyay aqoon-isweydaarsigan.

DHAMMAAD

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts