HomeWararDagaal khasaare dhaliyay oo Al-shabaab iyo dad shacab ah ku dhexmarey Hiiraan

Dagaal khasaare dhaliyay oo Al-shabaab iyo dad shacab ah ku dhexmarey Hiiraan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolkaasi,kaasi oo u dhexeeyay Alshabaab iyo dadka deegaanka. Sida ay Wakaaladda SONNA u xaqiijiyeen goobjoogayaal deegaanka ah,ilaa 2 qof oo dad xoola dhaqato ah ayaa ku geeriyootay halka Alshabaabna uu so gaarey khasaare dhimasho iyo […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolkaasi,kaasi oo u dhexeeyay Alshabaab iyo dadka deegaanka.

Sida ay Wakaaladda SONNA u xaqiijiyeen goobjoogayaal deegaanka ah,ilaa 2 qof oo dad xoola dhaqato ah ayaa ku geeriyootay halka Alshabaabna uu so gaarey khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dib markii dagaal muddo kooban socday uu ku dhexmarey Alshabaab iyo dad shacab ah tuulooyin hoostaga deegaanka lagu magacaabo Buqa-qable.

- Advertisement -

Wariyayaasha ku sugan magaalada Baladweyne ayaa sheegay in isku dhacaasi uu ka dambeeyey kadib markii dadka reer mi’yiga ah ay ka biyo diideen codsi uga yimid Alshabaab ee ahaa in ay bixiyaan xoolo iyo dhalinyaro ay si qasab ah ku dagaal geliyaan.

Deegaanka Buqa-qable ayaa khayaas ahaantii wuxuu 90 KM dhanka Galbeed kaga beeganyahay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Alshabaab iyo dadka deegaanka ayaa dhawaan dagaal khasaare dhaliyay ku dhexmarey deegaanno dhanka Galbeed kaga began magaalada Baladweyne kadib markii ay gubeen gaadiid ku rarnayd badeeco ganacsi,taasi oo ay dadka ka soo horjeesteen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories