HomeCaalamkaSawirro:-Uhuru Kenyatta oo la caleemo-saarayo, xilli ay Mucaaradka dhigayaan Dibadbaxyo

Sawirro:-Uhuru Kenyatta oo la caleemo-saarayo, xilli ay Mucaaradka dhigayaan Dibadbaxyo

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Sida uu qorshuhu yahay, Madaxweynaha Kenya iyo Ku-xigeenkiisa ayaa la filayaa in 10-ka barqanimo mar kale loo caleemo saaro Xilalkaasi. Uhuru Kenyatta waxa uu dalkaasi hoggaamin doonaa shanta sanno ee soo socota, kadib, markii uu ku guuleystay Doorashadii Ku-celiska ee Madaxtinimo ee bishoo October 26-dii ka dhacday dalkaasi. Taageerayaasha Kenyatta oo 98% ku guuleystay Doorashadaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida uu qorshuhu yahay, Madaxweynaha Kenya iyo Ku-xigeenkiisa ayaa la filayaa in 10-ka barqanimo mar kale loo caleemo saaro Xilalkaasi.

Uhuru Kenyatta waxa uu dalkaasi hoggaamin doonaa shanta sanno ee soo socota, kadib, markii uu ku guuleystay Doorashadii Ku-celiska ee Madaxtinimo ee bishoo October 26-dii ka dhacday dalkaasi.

- Advertisement -

Taageerayaasha Kenyatta oo 98% ku guuleystay Doorashadaasi waxay ugu baaqeen Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka ee NASA, Raila Odinga in la sii wado Wada-hadalka si horey loogu dhaqaaqo.

Madaxaweynaha Kenya waxa uu isagana sheegay inay Mas’uuliyadeena tahay kadib Tartankii Siyaasadeed  in si wadajir la isugu yimaado iyo in laga wada shaqeeyo Dhismaha Qaranka.

Balse, Taageerayaasha Raila Odinga waxay sheegeen inaysn marnaba cafin doonin Xisbiga Talada haya oo ay ku eedeeyeen inay xadeen Cod-bixintii, ku kaceen Musuq iyo inay Ciiddanka Ammaanka u adeegsadeen in la caburiyo Cod-bixiyayaasha Taageerayaasha Raila Odinga ee deggan Galbeedka dalkaasi.

- Advertisement -

Qoraal ka soo baxay Isbahaysiga Raila Odinga ee NASA  ayaa lagu sheegay inaysan marnab oggolaan doonin wixii dhacay, isla markaana aysan Kala-qeybinta labada dhinac noqon doonin Buunadada Wada-hadalka iyo Xeer Jajabka.

Taageerayaasha Mucaaradka ayaa la filayaa inay maanta Dibadbax iyo Kulan Baroordiiq ah ka dhigaan waddooyinka magaalladda  Nairobi, inkastoo aysan Fasax u haysanin Dibadbaxyadaasi.

Taageerayaal ka tirsan Isbahaysiga NASA waxaa horey loogu dilay muddadii ay socdeen Dibadbaxyada looga soo horjeeday Natiijaddii Doorashadda..

In ka badan 70 qof oo u badnaa Bolis ayaa lagu dilay Colaadaha Siyaasadeed ee Xilligii Doorashadda.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts