HomeCaalamkaDowladda Qatar oo qoranaysa Calooshood-u-shaqeystayaal Somali iyo Kenyan oo weerara Sacuudiga iyo...

Dowladda Qatar oo qoranaysa Calooshood-u-shaqeystayaal Somali iyo Kenyan oo weerara Sacuudiga iyo Imaaraadka

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Wargeyska CUKAAZ  ee ka soo baxa dalka Sacuudiga waxa uu shalay qoray inay heleen xog ku aadan Qorshe ay Dowladda Qatar ku qoranayso rag Somali iyo Kenyan weeraro ka fuliya gudaha dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waa sida uu Wargeysku qoray. Wargeyska waxa uu tilmaamay inay hay Dowladda Qatar go’aansatay qorshahaasi, 24-saacadood kadib, markii ay Dowladdaha Sacuudiga, […]

- Advertisement -

Wargeyska CUKAAZ  ee ka soo baxa dalka Sacuudiga waxa uu shalay qoray inay heleen xog ku aadan Qorshe ay Dowladda Qatar ku qoranayso rag Somali iyo Kenyan weeraro ka fuliya gudaha dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waa sida uu Wargeysku qoray.

Wargeyska waxa uu tilmaamay inay hay Dowladda Qatar go’aansatay qorshahaasi, 24-saacadood kadib, markii ay Dowladdaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ku dareen Dowladda Qatar  Liiska dalalka iyo Shaqasiyaadka taageera Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

- Advertisement -

Wargeyska CUKAAZ waxa kale oo uu qoray inay heleen Mcluumaadka Qorshaha Qatar ku qoranayso Calooshood-u-shaqaystaal Somali iyo Kenyan, si ay weeraro uga geystaan Magaallooyinka Riyadh iyo Abu Dhabi.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in Warbixinadda ay heleen uu muujinayo inay Dowladda Qatar u qorsheysay Fulinta weeraradaasi lacag dhan75 million ee Riyaalka Qatar. Iyadoo Hawshaasi uu Xiriitiye ka yahay Nin u dhashay Sacuudiga oo magacisia lagu sheegay Sacad al-faqih.

Dhinaca kale, Wargeyska CUKAAZ waxa uu qoray in Maxamed Saciid Atom oo horey uga tirsanaa Alshabaab, haatanse ku sugan Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa uu qortay  dhallinyaro Somali iyo Kenyan si ay weeraro uga geystaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, waa sida uu Wargeysku qoray.

- Advertisement -

Wargeyska CUKAAZ  waxa uu ugu dambeyntii qoray in Warbixinta Qorshahaasi la daabacay saacado ka hor, markii ay Dowladda Maraykanka ka digtay suurta-galnimadda Weeraro ka dhaca Sacuudiga iyo dalal kale oo ku yaalla Mandiqadda.

http://www.okaz.com.sa/article/1592540/%D9%85%D9%82%D8%A7%D8%B7%D8%B9%D8%A9-%D9%82%D8%B7%D8%B1/%D9%85%D8%AE%D8%B7%D8%B7-%D8%B1%D9%87%D8%A7%D8%A8%D9%8A-%D9%82%D8%B7%D8%B1%D9%8A-%D9%8A%D8%B3%D8%AA%D9%87%D8%AF%D9%81-%D8%A7%D9%84%D8%B3%D8%B9%D9%88%D8%AF%D9%8A%D8%A9-%D9%88%D8%A7%D9%84%D9%85%D8%A7%D8%B1%D8%A7%D8%AA

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories