HomeCaalamkaCiiddamo Soomaali ah oo ka qeyb galaya Dhoolatus Milliteri oo ka dhici...

Ciiddamo Soomaali ah oo ka qeyb galaya Dhoolatus Milliteri oo ka dhici doona dalka Sudaan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

In ka badan Kun Askari oo ka kala socda 10-ka Waddan ee ka tirsan Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF) waxa uu Dhoolatus la xiriira Hawlgalladda Nabad-ilaalinta iyo Ammaanka uga bilaaban doonaa Dekedda Port Sudan ee dalka Sudan. Tababarkaasi oo socon doona muddo 2 isbuuc ayaa waxaa ka qeyb galay Ciiddamo ka kala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

In ka badan Kun Askari oo ka kala socda 10-ka Waddan ee ka tirsan Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF) waxa uu Dhoolatus la xiriira Hawlgalladda Nabad-ilaalinta iyo Ammaanka uga bilaaban doonaa Dekedda Port Sudan ee dalka Sudan.

Tababarkaasi oo socon doona muddo 2 isbuuc ayaa waxaa ka qeyb galay Ciiddamo ka kala socda dalalka Somalia, Sudan,Djibouti, Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi, Rwanda, Komoros iyo Seychelles.

- Advertisement -

Carbiskaasi Milliteri oo loogu magac daray “Mashariki Salaam 2” ayaa la sheegay inuu bilaaban doono bishan  November 25-da, lana soo gebagebeyn doono bisha December 3-da ee sannadkan.

Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika ee “ The Eastern Africa Standby Force  (EASF) ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka qaadan doonaan Tababaro dhinaca Rayidka, Boliska iyo Milliteriga, si loogu xoojiyo Awoodooda ku adaan inay si degdeg ah uga hawlgalaan goobaha ay ka dhacaan Colaadaha ee  dalalka Bariga Afrika.

Ciiddanka waxaa kaloo la bari doonaa Hawlaha Nabad-ilaalinta, Ka-hortaga Argagixisadda iyo Falalka Tahriibinta dadka ee ka socda Mandiqadda Bariga dhexe.

- Advertisement -

Muddada uu socdo Dhoolatuskaasi waxaa ka so oqeyb geli doonaa Wakiilo Milliteri oo ka kala socda dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Midwoga Europe.

Tan iyo markii la asaasay Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF) sannadkii 2004-tii, waxay Ciiddanku Tababaro Milliteri oo noocaasi ah ka sameeyeen dalalka Kenya, Sudan, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts