HomeCaalamkaDowladda Soomaaliya oo Heshiis la gashay Shirkad Maraykan ah

Dowladda Soomaaliya oo Heshiis la gashay Shirkad Maraykan ah

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

DFS ayaa la sheegay inay Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Park Strategies oo uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato, kaasi oo  ka tirsanaa Kongareeska Maraykanka muddadii u dhexeysay sannadihii 1981-kii ilaa 1991-kii. Alfonse Marcello D’Amato, oo 80-jir ah waxa uu weli Galaangal ku dhex leeyahay Arrimaha Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka, wuxuuna Jaal la yahay Aqalka […]

- Advertisement -

DFS ayaa la sheegay inay Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Park Strategies oo uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato, kaasi oo  ka tirsanaa Kongareeska Maraykanka muddadii u dhexeysay sannadihii 1981-kii ilaa 1991-kii.

Alfonse Marcello D’Amato, oo 80-jir ah waxa uu weli Galaangal ku dhex leeyahay Arrimaha Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka, wuxuuna Jaal la yahay Aqalka Cad, wuxuuna horey u taageearay Ololihii Doorashadda ee uu Madaxweyne Donald Trump ku guuleystay.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu caan ku ahaa inuu Danaha Somalia ku difaaco Kongareeska Maraykanka ee ay ku xooggan yihiin Mudaanayasha Jamhuuriga.

Heshiiska ay DFS iyo Shirkadda Park Strategies dhawaan kala saxiixdeen, waxay DFS oggolaatay inay Shirkadaasi siiyaan lacag dhan 120,000 oo Dollar, si ay Shirkaddaasi ugu ololeyso sidii ay Dowladda Federalka taageero dheeraad ah uga heli lahaayeen Maamulka Madaxweyne Trump iyo Xubnaha Kongareeska Maraykanka.

Heshiiskaasi oo mudadiisu tahay hal sanno ayaa waxaa kaloo DFS laga doonayaa inay Madaxa Shirkadda Park Strategies, Alfonse Marcello D’Amato siiyaan 36,000 oo Dollar oo ah Kharaj Khaas ah oo uu adeegsan doono Socdaalkiisa iyo Adeegga Hotelka.

- Advertisement -

Shirkadda Park Strategies waxay DFS siin doonaan Talooyinka Istaraatijiyadeed,  La-talin iyo  iyagoo wakiil ka ah Dowladda Somalia dadaal wadajir ah u galaan Xaqiijinta xiriirka u dhexeeya DFS iyo Dowladda Maraykanka.

DFS waxa ay danno nolol ama dhimasho ku heli kartaa si hubaal looga dhigo inuu Xiriirka ay la leeyihiin Maraykanka ku sii nagaado Asaas Wanaagsan.

Dhinaca kale, Waaxda Caddaaladda Maraykanka waxay ugu baadqay DFS inaysan  Taageeradda ay ka helaan dalalka Dibedda ama Kharajka Samafalka u adeegsanin  inay isaga bixiyaan Kharajka Adeegga ee Shirkadda Park Strategies.

Dowladda Maraykanka  waxay Somalai siiyeen 10-kii sanno ee la soo dhaafay Kharaj ku dhow 2 Billion oo Dolla, pp loo adeegsaday Kaalmadda Horumarinta iyo Daryeelka Hawlaha Samafalka.

Sidoo kale, Dowladda Maraykanka waxay 900 oo million oo Dollar ku taageereen Hawlgalka AMISOM.

Waxay kaloo 720-million oo Dollar dhaqaalaha ahaan ugu taageereen Hawlgalladda ay QM ka wadaan gudaha Somalia.

Ku-dhawaad 500 Askar Maraykan ah ayaa haatan ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo Tababar iyo Taageero Loojistiko ah  siiyaan Ciiddanka DFS ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories