HomeCaalamkaMudanayaal Maraykan ah oo soo dhaweeyey Hawlgalka Milliteriga Mareykanka ka wadaan Somalia

Mudanayaal Maraykan ah oo soo dhaweeyey Hawlgalka Milliteriga Mareykanka ka wadaan Somalia

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ilaa 6 Mudane oo ka tirsan Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee dalkaasi ayaa si wadajir ah u soo saaray Qaraar tirsigiisu yahay 630 ee Aqalka Kongareeska, waxayna cambaareeyeen Qarixii bil ka hor ka dhacay Isgoyska Zoope ee ay ku geeriyoodeen 350-qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale. Qaraarkaasi waxaa dib loogu xaqiijiyey Taageeradda ay Dowladda Maraykanka siiyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilaa 6 Mudane oo ka tirsan Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee dalkaasi ayaa si wadajir ah u soo saaray Qaraar tirsigiisu yahay 630 ee Aqalka Kongareeska, waxayna cambaareeyeen Qarixii bil ka hor ka dhacay Isgoyska Zoope ee ay ku geeriyoodeen 350-qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale.

Qaraarkaasi waxaa dib loogu xaqiijiyey Taageeradda ay Dowladda Maraykanka siiyo Somalia.

- Advertisement -

Qaraarkaasi oo ay soo saaray 3 Mudane oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga iyo 3 kale oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, waxaa ka mid ah  Keith Ellison oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Minesota iyo Tom Emmer oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi.

Mudanayaashaasi waxay Qaraarkooda ku sheegeen inay tacsi u dirayaan  Ehelladda ay dadka kaga geeriyoodeen qarixii bishii October ka dhacay Muqdisho, kaasi oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Somalia.

Waxay kaloo sheegeen in dadkii ku geeriyooday Qaraxaasi ay ka mid ahaayeen ugu yaraan 3 Somali-Maraykan, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jirey Axmed C/kariim Ciyow, Maxamuud Cilmi iyo Abuukar Daahiye.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Keith Ellison oo ah Mudanaha keliya ee Muslimka ah ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka waxa uu sheegay inuu si  xooggan u cambaaraynayo Colaadaha aan micnaha lahayn, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay xaqiijinayaan Taageeradda ay Maraykanka siiyaan Somalia.

Qaraarka Mudanayaasha ka tirsan Labada Xisbi ee ka dhisan Maraykanka oo ka koobnaa 6 qoddob, waxaa ugu muhiimsanaa Cambaaraynta iyo Tacsiyeynta ka sokow  waxaa lagu xusay inay aqoonsan yihiin dadaalka muuqda ee ay DFS iyo Dowladaha qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM iyo Ciiddanka Maraykanka ka jooga Somalia.

Waxay kaloo sheegeen inay mar kale xaqiijinayaan Taageeradda Maraykanka ee dadaalka DFS ugu jirro Ammaanka, Nabadda iyo Deganaanshaha iyo Taageeradda ay Shacabka iyo Dowladda Maraykanka la garab taagan yihiin Dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts