HomeCaalamkaMugabe oo fagaaro ka soo muuqday tan iyo markii awoodii dalkaas lagala...

Mugabe oo fagaaro ka soo muuqday tan iyo markii awoodii dalkaas lagala wareegay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweynaha wali xilka ka raaraca ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday meel fagaaro ah tan iyo intii maalmo ka hor ay ciidanka la wareegeen awoodda dalkaas. Mugabe ayaa ka qeybgalay xaflad qalinjabin ah oo lagu qabanayay jaamacadda Zimbabwe oo uu ka midyahay madaxda jaamacadda, wuxuuna halkaas ka jeediyay khudbad dheer. Sacad […]

- Advertisement -

Madaxweynaha wali xilka ka raaraca ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday meel fagaaro ah tan iyo intii maalmo ka hor ay ciidanka la wareegeen awoodda dalkaas.

Mugabe ayaa ka qeybgalay xaflad qalinjabin ah oo lagu qabanayay jaamacadda Zimbabwe oo uu ka midyahay madaxda jaamacadda, wuxuuna halkaas ka jeediyay khudbad dheer.

- Advertisement -

Sacad badan ayaa u dhacay Mugabe markii uu soo muuqday, balse lama aysan socon xaaskiisa Grace iyo waliba wasiirkii waxbarashada Jonathan Moyo oo Grace isbahaysi la leh.

Madaxda ciidanka ayaa sheegay in ay waxoogaa horumar ah ka sameeyeen wadahadala ay la leeyihiin Mugabe oo xabsi guri ku jiray.

Mugabe ayaa shahaado guddoonsiiyay Marry Chiwenge oo ah xaaska taliyaha ciidammada ee isaga awoodda kala wareegay, sida ay tabisay warbaahinta dowladda.

- Advertisement -

Askarta ayaa talaabo qaaday kadib markii Mugabe uu shaqadii ka eryay madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa, kaas oo loo arkay in uu yahay ninka ay suurtogalka tahay in uu badali doono Mugabe. Balse Mugabe ayaa xaaskiisa u waday in ay isaga badasho.

Grace Mugabe oo loo malaynayay in ay dalka ka baxday ayaa waxaa la ogaaday in ay wali guriga la joogto Mugabe.

Wadahadalada Mugabe lala leeyahay ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiro dalka Koonfur Afrika ka yimid oo dhexdhexaadin ka wada Zimbabwe.

Sida uu ku waramayo Joseph Winter oo ka mid ah tifaftirayaasha BBC-da ee Afrika, inkasta oo militariga ay majaraha u hayaan Zimbabwe, haddane wali waxa ay Mugabe ugu yeeraan “Madaxweynaha sharafta leh”.

Waxa uu intaas ku daray in sababta loogu ogolaaday in uu xafladda jaamacadda uga qeybgalo ay tahay in ay run u ekeeysiiyaan sheegashadooda ah in ay waxa dhacay uusan ahayn afgambi.

Dhaqanka Zimbabwe dadka da’da ah lama ogola in wax xushmad darro ah lagula dhaqmo, manaba kusii jiro Mugabe oo xitaa madaxda mucaaradka ay ugu yeeraan “aabaha qaranka”.

Madaxda ciidanka iyo Mugabe waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u qoto dheer, waxayna u hayaan xushmad aad u tiro badan, mana sahlana in kalsoonidaas ay si sahlan ku burburto. Ciidammadda ayaa waxa ay waligood ahaayeen garabka hubeysan ee xisbiga ZANU-PF.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories