HomeCaalamkaBoqorka Sacuudiga oo Madaxweyne Farmaajo u soo diray Dhambaal Qaldan oo ku...

Boqorka Sacuudiga oo Madaxweyne Farmaajo u soo diray Dhambaal Qaldan oo ku aadan munaasabadda Maalinta Xorriyadda

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis waxa uu Madaxweyne Farmaajo u soo diray Dhambaal  uu ku sheegay inuu ugu hambalyeeynayo Munaasabadda Maalinta Qaranka Somalia oo ku beegan bishan Oct. 21-da,  waa sida lagu xusay Dhambaalkaasi. Sidoo kale, Dhaxal-sugaha Boqortooyada, ahna Ra’isul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan  Bin C/casiis waxa uu isagana Khadka Telefoonka […]

- Advertisement -

Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis waxa uu Madaxweyne Farmaajo u soo diray Dhambaal  uu ku sheegay inuu ugu hambalyeeynayo Munaasabadda Maalinta Qaranka Somalia oo ku beegan bishan Oct. 21-da,  waa sida lagu xusay Dhambaalkaasi.

Sidoo kale, Dhaxal-sugaha Boqortooyada, ahna Ra’isul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan  Bin C/casiis waxa uu isagana Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo uu ugu hambalyeeyey waxa uu ugu yeeray Munaasabadda Maalinta Qaranimadda Somalia.

- Advertisement -

Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay Dhambaallada ay Madaxda dalkaasi u soo direeen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna Boqorka iyo Wiilkiisa  u rajeeyeen Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed inay ku waaraan horumar iyo Barwaaqo.

Dhambaalkaasi ayaan lagu soo beegin Munaasbada Maalinta Qaranimadda Somalia,, iyadoo la og yahay in 1-da Luulyo ee sannad kasta si heer sare ah loogu dabaal-dego Maalinta Qaranimadda Somalia.

Borotooyadda Sacuudiga iyo Madaxtooyadda Villa Somalia midna dib uma sixin inaysan Munaasabadda Maalinta Xornimadda Somalia ku beegnayn 21-ka Octobar.

- Advertisement -

Docda kale, Dhambaaladda Sacuudiga ayaa lagu soo beegay sannad-guuradii 48-aad ee ka soo wareegtay Maalintii ay Milliteriga Afgembi ku qabsadeen Talada dalka bishii October 21-dii ee sannadkii 1969-kii.

Marxuum Jeneral Maxamed Siyaad Barre ayaana hoggaminayey Kacaankii October, wuxuuna talada dalka majaraha u hayey tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii 1991-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories