HomeCaalamkaJoogitaanka Milliteriga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya oo lagu tilmaamay mid looga...

Joogitaanka Milliteriga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya oo lagu tilmaamay mid looga soo horjeedo Istiraatiijiyada Turkiga ee Soomaaliya (Warbixin)

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Wargeyska AL-SHARAQ ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta ayaa qoray Maqaal dheer oo uu ku qiimeynayo Hadafka Joogitaanka Ciiddankooda ee gudaha Somalia, Loolanka kala dhexeeya Ciiddanka Turkiga ee Saldhigga ku leh Somalia iyo Nidaamka ay Dowladda Imaaraadka danaheeda uga meel-mariyaan  Madaxda Somalia.

Wargeyska waxa uu Warbixintiisa Cinwaan uga dhigay Joogitaanka Milliteriga Imaaraadka Carabta ee Somalia:-  Jidkii Qabsashadda iyo Burburinta.

- Advertisement -

Waxa kale oo Cinwaan-hoosaad khad la mariyey looga dhigay Warbixinta:

  • Abu Dhabi oo Saldhig weyn oo Milliteri ka dhisatay Somaliland.
  • Abu Dhabi oo Gobalka Kismaayo ku hubeysay Gadaiidka Milliteriga iyo kuwa Gaashaaman.
  • Joogitaanka Ciiddanka Imaaraadka ee Somalia waxaa looga soo horjeedaa Joogitaanka Ciiddanka Turkiga ee Somalia.

Warbixinta waxaa lagu sheegay haddii Joogitaanka Somali ahaa Maal-gashi iyo Iskaashiga Samafalka Aadmino, waxay Milliteriga Imaaraadka u arkaan Joogitaankooda Somalia mid lagu ilaalin karo Danaha Qarankooda iyo doorka ay ku leeyihiin Mandiqadad Geeska Afrika.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in gudaha Somalia inay Imaaradda Abu Dhabi ku leedahay Qalab Milliteri oo Culus, oo ay ka mid yihiin  Taangiyo, Diyaaradaha Dagaalka, Helikoptaro iyo kuwa aan Duuliyaha Lahayn ee Drones-ka.

- Advertisement -

Bishii March ee la soo dhaafay, waxay Imaaradda Abu Dhabi heshiis la saxiixdeen Maamulka Somaliland, si ay Saldhig Milliteri uga dhigtaan Dekedda magaalladda Berbera.

Waxaa kaloo la rajeynayaa in bilaha soo socda inay Milliteriga Imaaraadka isku faafiyaan xuduudaha kale ee Somalia.

Wargeyska Al-sharaq waxa kale oo uu bidhaamiyey Hadafka Joogitaanka Milliteriga Imaaraadka ee gudaha Soamlia, wuxuuna tilmaamay inay tahay sidii uu uga mid noqon lahaa Ciiddamadda Marayaknka iyo Masar ee Ilaaladda ka haya Gacanka CaBaabul-mandab, in la sugo Ammaanka dalka Yemen iyo inay la socdaan Dhaqdhaqaaqyadda Gacanka HORMUS.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey inay Imaaraadka Carabta ka go’an tahay Istaraatijiyadda ay ku kireysanayaan, ku iibsanayaan ama ku maamulayaan Dekedaha kala duwan ee ku yaalla Somalia, si ay dano Dhaqaale iyo mid Milliteri ugu ilaashadaan Danahooda, sida dhismaha haatan ku socda Dekedda Berbera ee W/Galbeed ee Somalia.

Wargeyska Al-Sharaq waxa uu tilmaamay inay sannadihii 1980-aadkii ay Dowladdii Somalia siiyeen 12 Helikoptarada lagu farsameeyey dalak Britain, waxayna Imaaraadka sannadkii 2014-kii Somalia la saxiixdeen Heshiis Is-faham Milliteri, oo lagu tababatayo Ilaaladda Madaxtooyadda Somalia.

Dhinaca kale, Warbixinta waxaa lagu faahfaahiyey Loolanka Imaaraadka ee Joogitaanka Milliteriga Turkish-ka ee gudaha Somalia, wuxuuna Wargeysku qoray inay jiraan warar sheegayo inay Madaxda Imaaraadda Abu Dhabi laaluush aad u badan siiyeen Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka ee Somaliland si ay u meel-mariyaan Heshiiskii Imaaraadka kula wareegeen Maamulka Dekedda Berbera.

Warbixinta waxaa si cad loogu muujiyey inay Imaaraadka si xoogan uga soo horjeedaan Joogitaanka sii kordhayso ee Milliteriga Turkiga ee gudaha Somalia, taasi oo ay u arkaan mid khatar ku ah qorshaha Ciiddanka Badda ee Imaaraadka ku xoojinayaan Kontoroolka Gacan-biyoodka Baab Al-mandab.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories