HomeCaalamkaRaila Odinga oo ka haray tartanka doorashada Kenya

Raila Odinga oo ka haray tartanka doorashada Kenya

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay “asiga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka ay ka hareen tartanka doorashada ee la qaban lahaa dhammaadkan bishan”. Wuxuu sheegay in dalabaadkooda aan la aqbalin ka dib go’aankii maxkamadda ee ay ku laashay doorashadii bishii August. Guddiga doorashada ee Kenya IEBC ayaa kullan degdeg ah yeelanaya ka dib […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay “asiga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka ay ka hareen tartanka doorashada ee la qaban lahaa dhammaadkan bishan”.

Wuxuu sheegay in dalabaadkooda aan la aqbalin ka dib go’aankii maxkamadda ee ay ku laashay doorashadii bishii August.

- Advertisement -

Guddiga doorashada ee Kenya IEBC ayaa kullan degdeg ah yeelanaya ka dib markii Raila uu ku dhawaaqay in tartanka uu ka haray.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo olole siyaasadeed ku jira ayaa sheegay “dhib kuma qabno doorasho lagu noqdo. waxaan hubnaa in aan heleyno codad ka badan ku wii hore.”

Isbeheysiga Mucaaradka ee Kenya ayaa dalbaday in qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada la badalo.

- Advertisement -

Raila Odinga ayaa sheegay in “go’aankoodu uu ahaa in doorashada ku celiska ah lagu qabto hannaanka ay maxkamadda amartay, kaas oo uu dhigayo dastuurka”.

Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha mucaaradka waxay ku sheegeen in “IEBC ay si ula kac ah uga hor timi isbedelka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in doorashada 26-ka bishan u noqoto mid xor iyo xalaal ah”.

Waxay guddiga ku eedeeyeen in uu yahay meel uu maamulo xisbiga talada haya ee Jubilee.

“Doorashada keli ah ee Jubilee ay aqbalayaan waa mid ay ayaaga ku guuleystaan,” ayuu sheegay Raila oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Waxay guddiga ugu baaqeen in uu joojiyo hannaanka qabashada doorasho ku celis ah, ayna billaabaan hannaan cusub oo doorasho lagu qabto.

“Waxaa cad in is bedelka uu yahay mid wax looga qabanayo qaladaadkii ka dhacay doorashii horraantii August. Waxaa taas sabab u ah in la adeegsanayo in markale doorashada soo socoto lagu shubto,” ayey sheegeen mucaaradka Kenya ee NASA.

“Is bedel la’aan doorasho ma dheceyso,” ayey ku dhawaaqeen hoggaamiyayaasha mucaaradka ka dib markii ay shirka jaraa’id dhammeeyeen.

Waxay ku dhawaaqeen dibadbax ballaaran oo beri ka dhici doono Kenya oo dhan oo ay ku dalbanayaan is bedel lagu sameeyo hannaanka iyo guddiga doorashada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories