HomeCaalamkaFAALLO: Waa maxay dulucda Shirka Madaxda Maamul-gobaleedyada taageersan Isbahaysiga Sacuudiga uga furmaya...

FAALLO: Waa maxay dulucda Shirka Madaxda Maamul-gobaleedyada taageersan Isbahaysiga Sacuudiga uga furmaya Kismaayo ?

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxda Maamul-gobaleedyadda ee taageersan Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa la filayaa inuu berrito Kulan uga furmo  magaalladda Kismaayo oo ah Xarunta KMG ee Maamul-gobaleedka Jubbaland. Madaxda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed ayaana safka hore kaga jira Maamuladda la sheego inay Dowladda Imaaraadka Carabta ka soo heleen Kharaj Siyaasadeed si ay uga soo hor jeestaan Go’aankii DFS […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxda Maamul-gobaleedyadda ee taageersan Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa la filayaa inuu berrito Kulan uga furmo  magaalladda Kismaayo oo ah Xarunta KMG ee Maamul-gobaleedka Jubbaland.

Madaxda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed ayaana safka hore kaga jira Maamuladda la sheego inay Dowladda Imaaraadka Carabta ka soo heleen Kharaj Siyaasadeed si ay uga soo hor jeestaan Go’aankii DFS ee ay Dhexdhexaadka uga noqotay Khilaafka u dhexeeya Isbahaysiga Sacuudiga iyo Dowladda Qatar.

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo aan ka mid ahayn Madaxda taageertay Isbahaysiga Sacuudiga ama Dowladda Qatar ayaana gogosha u dhigay Madaxda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed

Axmed Madoobe oo Masraxa Siyaasadda ku soo biiray markii uu ka soo xargo goostay Kooxdii Xisbul-islaam ayaa u muuqda Hoggaamiye Dantiisa Yaqaan ah, isla markaana la jaan-qaada Hoggaamiyayaasha uu u arko inay isku Aragti iyo Isku Dan yihiin, marmarka qaarkooda hayin raaca u noqda Awr-ku-kacsiga Beeleed iyo midka Deegaameed.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Kulanka Kismaayo yahay mid laga dheehan karo sida ay u kala didsan yihiin Madaxda DFS iyo Madaxda Maamul-gobaleedyada ku shirayo Kismaayo, wuxuuna Kulanka Kismaayo u muuqda mid dhabar-jab ku noqon kara Mowqifka DFS ee ay dhexdhexaadka uga noqotay Khilaafka Khaliijka.

- Advertisement -

Madaxweyneyaasha Puntland, Galmduug iyo K/Galbeed ayaana u muuqda inay ku rafiiqeen Taageerida Isbahaysiga Sacuudiga, waxaana carcartooda laga dareemi karaa sida ay daacadda ugu yihiin Isbahaysigaasi.

Laakiinse, DFS oo weli ku dhegan Go’aankii Dhexdhexaadka, waxaa saameeyey Cuf-is-jiidadka ka dhashay Khilaafka Siyaasadda ee Khaliijka iyo Duufaan Siyaasadeed Madaxda Maamul-gobaleedyada ee ay ku kala irdhoobeen Aragti ahaan.

Waxaana hubaal ah Natiijo kasta oo lagu gaaro Shirka Kismaayo inuu mar kale saamayn ku yeelanayo Xiisadda iyo Khilaafka u dhexeeya DFS iyo Maamul-gobaleedyada.

Xubno ka tirsan DFS ayaa xusul-duub u galay inay hakiyaan Shirka Kismaayo  iyo inay kala furfuraan Madaxda Maamul-gobaleedyadda, balse, ma muuqato wax horumar oo laga gaaray Isku-daygooda.

Madaxweyne Xaaf waxa uu dhowr jeer ku eedeeyey DFS inay qeyb ka tahay Deganaansha La’aanta Siyaasadda iyo Kacdoonka ka dhex bilowday Maamulka Galmudug oo u muuqda mid ku kala qeybsan Go’aankii uu Madaxweyne Xaaf ku taageeray Isbahaysiga Sacuudiga.

Marka doc kasta laga eego Isbahaysiga Maamul-gobaleedyadda waxaa loo arkaa Mashaqo Cusub oo saamayn Qaran leh, waaba haddii laga badbaado Mu’aamarada Shirka Kismaayo.

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts