HomeCaalamkaMuwaadin Soomaaliyeed oo lagu soo oogay weeraro ka dhacay Edmonton Kanada

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu soo oogay weeraro ka dhacay Edmonton Kanada

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay qabteen Nin Somali ah oo ku eedeysan inuu tooreey ku dooxay Sarkaal Bolis iyo inuu dhowr qof gaari ku jiirsiiyey magaalladda Edmonton ee Gobalka Alberta ee Galbeedka dalkaasi. Boliska Kanada weli ma shaacinin magaca Eedeysanaha, balse, Warbaahinta dalkaasi waxay magaciisa ku sheegeen C/llaahi Xasan Shariif oo 30-jir ah. Saraakiisha Boliska […]

- Advertisement -

Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay qabteen Nin Somali ah oo ku eedeysan inuu tooreey ku dooxay Sarkaal Bolis iyo inuu dhowr qof gaari ku jiirsiiyey magaalladda Edmonton ee Gobalka Alberta ee Galbeedka dalkaasi.

Boliska Kanada weli ma shaacinin magaca Eedeysanaha, balse, Warbaahinta dalkaasi waxay magaciisa ku sheegeen C/llaahi Xasan Shariif oo 30-jir ah.

- Advertisement -

Saraakiisha Boliska waxay sheegeen inay falkaasi u arkaan Fal Argagixiso, isla markaana ay Eedeysanaha  indhaha ku hayeen muddo 2 sanno ah, inkastoo aysan u arkin inuu yahay qof khatar ku ah Bulshadda ku nool Kanada.

Muuqaaladda Qarsoon ee CCTV ayaa laga dheehday qaabka ay u dhaceen Weeraraddaasi oo maalintii Sabtida ka dhacay magaalladda Edmonton, waxayna Boliska aqoonsadeen Ninkaasi oo toorey madaxa iyo wejiga kaga dhaawacay Sarkaal Boliska,

Waxa kale oo uu Eedeysanaha gaarigiisa jiirsiiyey 4 qof oo jidka dhinaciisa lugeynayey.

- Advertisement -

 

Dhinaca kale, Golaha Muslimiinta ku nool Gobalka Alberta ee dalkaasi waxay dhigeen Dibadbax ay  si wadajir ah ugu cambaareeyeen falkaasi, kuna tilmaameen mid aan ka turjumaynin Dareenka Dadka Muslimiinta.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories