HomeWararSawirro:-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo xiray Shirkii Mideynta Canshuuraha Dalka

Sawirro:-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo xiray Shirkii Mideynta Canshuuraha Dalka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaaladda Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyey shirkii looga hadlayay dhaqaalaha Dalka iyo mideynta canshuuraha guud, waxaana goob joog ahaa kulanka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad gobaleedyada Dalka ka jira iyo Masuuliyiin kale. Gabagabada kulanka ayaa hadalo kooban waxaa ka jeediyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaaladda Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyey shirkii looga hadlayay dhaqaalaha Dalka iyo mideynta canshuuraha guud, waxaana goob joog ahaa kulanka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad gobaleedyada Dalka ka jira iyo Masuuliyiin kale.

Gabagabada kulanka ayaa hadalo kooban waxaa ka jeediyay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad gobaleedyada, iyagoo ka hadlay faa’iidada ay leeyahay isku xirnaanta Maamulada iyo Dowlada dhexe  ee dhanka dhaqalaha iyo in la wadaago kheyraadka guud ee Dalka iyo deeqaha Dibada ay ka hesho Dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Shirkaan ayaa waxaa  soo xiray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale beyle, isagoo  sheegay in qodobo dhowr ah laga soo saaray kulankii ay ku yeesheen Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxaana uu xusay in Heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirkan kiisa xiga lagu balamay in lagu qabto Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland, Gogosha shirkana uu dhigay Wasiirka Maaliyadda Maamulka Jubbaland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts