HomeCaalamkaWaqtiga ay dhacayso doorashada Kenya oo la shaaciyay

Waqtiga ay dhacayso doorashada Kenya oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee IEBC ayaa ku dhawaaqay in 17-ka bisha Oktoobar la qaban doono doorashada madaxweynenimo ee Kenya kadib markii ay maxkamad amartay in markale lagu celiyo doorashada. War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee IEBC ayaa ku dhawaaqay in 17-ka bisha Oktoobar la qaban doono doorashada madaxweynenimo ee Kenya kadib markii ay maxkamad amartay in markale lagu celiyo doorashada.

War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

- Advertisement -

Maalintii jimcaha ayay maxkamadda sare ee Kenya laashay natiijadii doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto, taas oo guddiga shaaciyeen in uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda ayaa sheegtay in doorashadaasi lagu shubtay, islamarkaasina aysan ahayn mid xalaal ahayd.

Xisbiyada ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyada oo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.

- Advertisement -

Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa aad u bogaadiyay mucaaradka iyo beesha caalamka qaarkeed, waxaana dhacay mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo, Balse madaxweyne Uhuru iyo xisbiga Jubilee ayaa go’aanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan, haseyeeshee ay aqbaleen go’aanka.

Arrin si weyn loogu muransanyahay ayaa ah cidda doorashada qabanqaabinaysa, NASA waxa ay qabtaa in meesha laga saaro guddiga IEBC ee hadda jira maadaamaa maxkamadda ku xukuntay in ay ku xadgudbeen mas’uuliyadooda, balse Jubilee ayaa ku adkaysanaysa in cid aan ahayn IEBC aysan doorashada qaban doonin.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts