HomeCaalamkaIn ka badan 30-qof oo ay ku jireen Ciiddanka Liyu Police oo...

In ka badan 30-qof oo ay ku jireen Ciiddanka Liyu Police oo lagu dilay dagaal ka dhacay Bariga dalka Ethiopia

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dagaalkaasi ayaa la sheegay inuu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay gudaha iyo daafaha Degmadda Mieso ee Galbeedka Gobalka Harargeey ee Bariga Ethiopia. Wargeyska Addis Standard ayaa manta qoray in sidoo kale dagaalkaasi lagu dilay ama lagu dhaawacay Tobaneeyo ka tirsan  Ciiddanka Liyu Police ee hoos taga Dowlad-gobaleedka Soomaalida-Ethiopia. Sida laga soo xigtay Goobjoogayaal waxay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalkaasi ayaa la sheegay inuu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay gudaha iyo daafaha Degmadda Mieso ee Galbeedka Gobalka Harargeey ee Bariga Ethiopia.

Wargeyska Addis Standard ayaa manta qoray in sidoo kale dagaalkaasi lagu dilay ama lagu dhaawacay Tobaneeyo ka tirsan  Ciiddanka Liyu Police ee hoos taga Dowlad-gobaleedka Soomaalida-Ethiopia.

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay Goobjoogayaal waxay sheegeen inuu dagaalkaasi u dhexeeyey kooxo ka tirsan dadka Deegaanka iyo Ciiddamo aad u hubeysnaa oo ka tirsanaa Liyu Police.

Mid ka mid ah Dadka Deegaanka oo lagu magacaabo C/ladiif Kerero ooFarriin qoraal u diray Wargeyska Addis Standard ayaa sheegay inaysan u dul qaadan Karin in raggooda la dilo, la kufsado gabdhooda iyo in Burcadda taageeradda ka hela Liyu Police dhacaan Lo’da dadka Deegaanka, waa sida uu hadalka u yiri.

Wargeyska waxa kale oo uu qoray in Toddobaadkii hore Weerar noocaasi ah uu ka dhacay Degmadda Chinakson ee Bariga Harargeey iyo Deegaanadda ku xeeran.

- Advertisement -

Iska horimaadkaasi ayaa la sheegaay inay bilowdeen dhowr bilood ka hor, iyadoo dadka Deegaanka ka soo horjeedaan xubno ka tirsan Ciiddanka Liyu Police oo ku sugan Deegaankooda.

Ciiddanka Liyu Police ee sida Milliteriga u tababaran ayaa lagu eedeeyaa inay xiriir dhow la leeyihiin Madaxweynaha Is-maamulka Soomaalida ku nool Bariga Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaana Ciiddankaasi mararka qaarkood lagu eedeeyaa inay Bililiqo, Kufsi iyo Dilal aan sharci ahayn u geysteen dadka rayidka tan iyo markii Ciiddankaasi la asaasay bishii April ee sannadkii 2007-dii.

Dhinaca kale, cadadkii manta ee Wargeyska Addis Standard waxa kale oo uu qoray inay Ciiddanka Liyu Police bishii March ee sannadkii 2007-dii hawlgalo ka fuliyeen Koonfurta iyo Bariga Gobalka Oromia, halkaasi oo la sheegay inay ku dileen in ka badan 100-qof, sida uu qoray Wargeyska Addis Standard.

Maamul-gobaleedyadda Soomalida iyo Oromadda ayaa isku haysta Lahaanshaha Degmooyina iyo Tuullooyin ku yaalla xuduudka labada Maamul, iyadoo Qowmiyadda Oromadda sheeganayso Deegaanadaasi.

Xigasho: Addis Standard

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts