HomeCaalamkaCiidamo Mareykan ah oo badda Japan lagu la'yahay

Ciidamo Mareykan ah oo badda Japan lagu la’yahay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ciidamada badda Mareykanka ayaa sheegay in todobo kamid ah askartii saarnayd Markabka USS FITZGERALD la waayay ugu yaraan 3 kalena uu dhaawac soo gaaray kadib markii ay markabkan dagaal isku dheceen doon ganacsi oo calanka dalka Philippine sidatay meel ku dhow xeebaha dalka Japan aroornimadii saaka. Ciidamada ilaalada xeebaha Japan ayaa sheegay in dhib uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada badda Mareykanka ayaa sheegay in todobo kamid ah askartii saarnayd Markabka USS FITZGERALD la waayay ugu yaraan 3 kalena uu dhaawac soo gaaray kadib markii ay markabkan dagaal isku dheceen doon ganacsi oo calanka dalka Philippine sidatay meel ku dhow xeebaha dalka Japan aroornimadii saaka.

Ciidamada ilaalada xeebaha Japan ayaa sheegay in dhib uu soo gaaray Markabka dagaal ee Mareykanka, hase yeeshee aanu halis weyn ugu jirin inuu quuso, halka doonta ganacsina ay socodkeeda horey usii wadatay.

- Advertisement -

Bayaan kasoo baxay ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu sheegay in FITZGERALD ay kula dhacday doontan ganacsi meel qiyaastii 56 Mile oo dhinaca badda ah kaga beegan YOKOSUKA, mid kamid ah shilalka faro ku tiriska ah ee ka dhaca marin-biyoodkaasi ciriiriga badan.

Bayaanku waxa uu intaasi ku daray in la badbaadiyay saddex ruux oo uu dhaawac soo gaaray oo uu ku jiro hogaamiyihii markabka Bryce Benson Waxaana la geeyay Isbitaal uu mareykanku leeyahay oo ku yaalla YOKOSUKA.

Waxaa kaloo ay wararku sheegayaan in labo Askari oo kale oo dhaawac ah iyagana Isbitaalka loola cararay kuwaasoo ay soo gaareen dhaawacyo isugu jira jug iyo jajab.

- Advertisement -

Ma jirto cid wax ku noqotay doontan ganacsi ee sidatay calanka dalka Filibiin ee uu markabkan dagaal ku dhacay.

Waxaana soconaya baaris la xiriirta sababta dhalisay shilkaasi

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts