HomeWararWarbixin: Tahriibayaashii ugu badnaa ee dhowrkii bilood ee la soo dhaafay gaaray...

Warbixin: Tahriibayaashii ugu badnaa ee dhowrkii bilood ee la soo dhaafay gaaray Xeebaha Talyaaniga.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga  ayaa soo bandhigtay Tiro-koobka Tahriibayaasha sannadkan soo galay dalkaasi, waxayna kala yihiin: Kaalinta 1-aad dalka Gini (3,168 qof). Kaalinta 2-aad dalka Nigeria (3,159 qof) Kaalinta 3-aad dalka Bangaladesh   (2,831 qof) Kaalinta 4-aad dalka Ivory Coast (2,527 qof) Kaalinta 5-aad   dalka Gambia (2,232 qof) Kaalinta 6-aad dalka Senigal  (1,739 qof) […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga  ayaa soo bandhigtay Tiro-koobka Tahriibayaasha sannadkan soo galay dalkaasi, waxayna kala yihiin:

  • Kaalinta 1-aad dalka Gini (3,168 qof).
  • Kaalinta 2-aad dalka Nigeria (3,159 qof)
  • Kaalinta 3-aad dalka Bangaladesh   (2,831 qof)
  • Kaalinta 4-aad dalka Ivory Coast (2,527 qof)
  • Kaalinta 5-aad   dalka Gambia (2,232 qof)
  • Kaalinta 6-aad dalka Senigal  (1,739 qof)
  • Kaalinta 7-aad     dalka Morocco  (1,739 qof)
  • Kaalinta 8-aad       dalka Maali  (1,141 qof)
  • Kaalinta 9-aad dalka Somalia (634 qof)
  • Kaalinta 10-aad dalka Eritrea  (577 qof)

Dhinaca kale, Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka (IOM) ayaa soo bandhigtay Tirada Tahriibayaasha sannadkan gaaray Xeebaha Europe iyo kuwa ku haftay Badda  Mediterranean-ka.

- Advertisement -

Warbixinta IOM ayaa lagu sheegay in 42,974 Tahriibayaal ah galeen Qaaradda Europe tn iyo bishii April 19-dii ee sannadkan, iyadoo in ka badan 80% Tahriibyshaasi gaareen dalka Talyaanig, halka 20% tageen dalalka Spain iyo Greece.

Afhayeenka Hay’adda IOM u jooga magaalladda Rome, Flvio Di Giacomo ayaa sheegay inay 36,703 Tahriibayaal ah dhinaca Badda ka soo galeen Talyaaniga.

- Advertisement -

IOM waxay kaloo sheegtay inay 962 Tahriibayaal ah ku geeriyoodeen Badda Mediterranean-ka muddadii u dhexeysay 1-dii January ilaa bishii April 19-dii ee sannadkan, kuwaasi oo doonyo kaga soo socdaalay Xeebaha dalka Libya.

Bishii January 14-dii ee sannadkan, ku-dhawaad 100 Tahriibayaal ayaa ku haftay Badda Mediterranean-ka, kadib, markii ay dooni kula degtay inta u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga oo 50-KM isku jira.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories