HomeWararDHAGEYSO: Shirka Golaha Wasiirada oo looga Hadlay Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo...

DHAGEYSO: Shirka Golaha Wasiirada oo looga Hadlay Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dardargelinta howlaha Dowladda (SAWIRRO)

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Muqdisho, 13 Abriil 2017—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha, iyo dar-dargelinta howlaha dowladda. Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in golaha looga fadhiyo dardargelinta amniga, nabadeynta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, 13 Abriil 2017—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha, iyo dar-dargelinta howlaha dowladda.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in golaha looga fadhiyo dardargelinta amniga, nabadeynta iyo xasilinta dalka si muwaadin walba uu ugu noolaado si nabad ah si uu uga qeybqaato dardargelinta horumarka dalka.

- Advertisement -

Wasiirada amniga ayaa warbixinno laga dhageystay ka dibna ay soo bandhigeen Qorshaha Amniga Qaranka oo dhowaan ka bilaaban doona Muqdisho, iyadoo lala kaashanayo Gobolka Banaadir iyo maamulada degmooyinka caasimada iyadoo laga qeybgalinayo shacabka, lana dhaqangelinayo barnaamijka deriseynta.

Wasiirka Garsoorka ayaa ka warbixiyey qorshahiisa ku aadan dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka, golahuna isla gartay in sharciga dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka la dhaqangeliyo isla markaasna ay wasaaradu sida ugu dhaqsiyaha badan horkeento golaha nidaamka guddigan. Sidoo kale waxaa diirada la saaray sida loogu baahanyahay in Guddiga Musuqmaasuqa loo dhiso oo la isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo lana dedejiyo dhameystirka qorshahan.

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay horumarka laga sameeyey isku-dubaridka iyo xiriirinta howlah gurmadka abaaraha isla markaasna sheegtay in 6 milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin gargaar deg-deg ah wasaaradana diyaarisey nidaamkii lagu hagaajinayey xiriirka iyo isu-duwida hay’adaha gargaarka iyo dowladda.

- Advertisement -

Wasiirka Dekedaha oo warbixin ka dhiibtey xaalada Dekeda Muqdisho ayaa sheegtay in wasaaradu ay wado qorshe lagu casriyeynayo dekedda isla markaasna lagu daryeelayo xoogsatada iyo xamaaliga si ay u helaan xuquuqdooda aasaasiga ah.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa isagana ka warbixiyey xaalada .SO sheegeyna inuu heshiis la galay shirkadihii maamulayey server-ka oo lagu heshiiyey in loo soo rari doono Muqdisho oo dowladdu ay toos u maamuli doonto marka la soo dhameystiro hirgelinta qorshaha lagu heshiiyey.

Ugu danbeyntii Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada ayaa sheegay inay wadaan qorshe xal loogu helayo arrimaha gaadiidleyda iyo sidii dadka danta yar ay u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradu qorshe lagu casriyeynayo howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo Duulista hawada, dhowaana golaha hor-keeni doono qorshe dhameystiran ee la xiriira arrimahan.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts