HomeWararIdaacadda Radio Dalsan oo maanta u dabaal-degayso sannad-guuradii 5-aad.

Idaacadda Radio Dalsan oo maanta u dabaal-degayso sannad-guuradii 5-aad.

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Bishii April 2-dii ee sannadkii 2012-kii ayaa dhidibada loo taagay Idaacadda Radio Dalsan oo Xarunteeda Dhexe ku taalla magaalladda Muqdisho.

Asaaska Idaacadda ayaana ku timid Daraasaad la xiriirtay Baahida ay Dadka Soomaalida ugu qabaan inay helaan Warbaahin ay ka heli karaan Adeegyadda Warbaahineed, sida Tafsiirka Qur’aanka, Casharadda Diiniga iyo Barnaamijyadda Arrimaha Siyaasadda, Bulshadda, W/barashadda, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo kuwa Madadaaladda.

Sidoo kale,  Wareysiyadda muhiimka, Falaanqeynta iyo Faallooyinka ee lagu lafa-gurayo Siyaasadda Gudaha iyo Xaalladaha kale ee markaasi taagan ayaa si joogto ah qeyb uga ah Baahinta Idaacadda Dalsan oo maalin kasta hawada ku jirta muddo 18-sacadood.

Radio Dalsan waa Idaacad Madax Bannaan, isla markaana aad u dhowrta Anshaxa Saxaafadda, Dhexdhexaadnimadda, Run-sheegga, waxaana  si feejignaan leh loo faaf-reebaa Wararka iyo Barnaamij kasta ee ka baxa Idaacadda.

5-sanno kadib, Idaacaddu waxay kasbatay Malaayiin Dhegeystayaal, kuwaasi oo Idaacadda si toos ah uga dhegeysta Xarunta Muqdisho iyo Xarumaha Idaacadeed ee aynu ku leenahay magaallooyinka Jowhar, Cadaado iyo Baydhabo.

Waxaa kale oo jira Macaamil badan oo Idaacadda si toos ah u dhegeysta Livestream-ka Boggeenna radiodalsan.com iyo qeybta Maqalka ee Telefishinka.

Haddaba, maanta oo ay ku beegan tahay 5-guuradii ka soo wareegtay markii la dhidbay Radio Dalsan waxay Maamulka Sare ee Idaacadda, Hawlwadeennadda iyo Weriyayaasha jecel yihiin inay Farxadda maanta la wadaagaan Dhegeystayaasha Sharafta naga mudan iyo Akhristayaasha  ee sida joogtada ugu taxan Radio Dalsan.

Malaayiin jeer ayaana idin salaamaynaa meel kasta oo aad joogtaan, kuna waara Nabad iyo Farxad.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories