HomeWararUhuru Kenyatta: "Xeradda Dhadhaab waxaan u xiraynaa sababo la xiriira Weeraradda Alshabaab"

Uhuru Kenyatta: “Xeradda Dhadhaab waxaan u xiraynaa sababo la xiriira Weeraradda Alshabaab”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir-madaxeedkii Hoggaamiyayaash Dowladaha IGAD shalay ku yeesheen magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay in ay Qaxootiga Soomaalida mashaakil ku yihiin Deganaanshaha dalkiisa, loona baahan yahay in xal kama-dambays ah loo helo Xaalladda Qaxootiga Soomaalida. “Waxaa ii cad sida aad idinka Hoggaamiyayaal u araghtaan in la gaaray waqtigii Xalka Kama-dambaysta loogu heli […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir-madaxeedkii Hoggaamiyayaash Dowladaha IGAD shalay ku yeesheen magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay in ay Qaxootiga Soomaalida mashaakil ku yihiin Deganaanshaha dalkiisa, loona baahan yahay in xal kama-dambays ah loo helo Xaalladda Qaxootiga Soomaalida.

“Waxaa ii cad sida aad idinka Hoggaamiyayaal u araghtaan in la gaaray waqtigii Xalka Kama-dambaysta loogu heli lahaa Qaxootig Soomaalida, looguna celin lahaa dalkooda hooyo” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inaysan xal hayn Xero Qaxooti, loona baahan yahay in Soomaalida fursad la siiyo, si ay dib ugu laabtaan una dhistaan dalkooda/

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay Go’aanka ay Dowladiisa ku xiri doonto Xeradda Dhadhaab oo ay ku jiraan Boqolaal kun oo Somali ah, waxaana uu si cad u sheegay inay Alshabaab  galaangal ku leeyihiin Xeryha Qaxootiga, kan abaabulaan weeraradd qorsheysan ee ay ka fuliyaan gudaha Kenya, waa sida u uhadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Waxa uu hoosta ka xariiqay inay Dowladda Kenya gaartay go’aan lagu xirayo Xeradaasi, kadib, markii ay Xaalladda Ammaanka Somalia soo hagaagtay.

- Advertisement -

Mar uu ka hadlayey Qaxootiga Soomaalida ee  iskooda ugu soo laabanayo dalkooda Hooyo waxa uu tilmaamay inay 60,000 oo Qaxooti ah iskood u laabteen, isagoo sheegay  inay horey ugu taageereen 100 million oo Shillinka Kenya Qaxootiga dib ugu laabtay Somalia.

Uhuru Kenyatta waxa uu Hay’adh Smafalka iyo kuwa Horumarinta  ugu baaqay inay ka hawlgalaan gudha Somalia, isagoo dhanka kalen Beesha Calaamka ku booriyey inay  kaalin ka qaataan Dadaalka iyo dhiiri-gelinta Qaxoottiga laabanayo, inta ay AMISOM ku hawlan yihiin xaqiijinta Ammaanka Somalia

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts