HomeWararFAALLO: Dhismaha Xukuumadda Cusub oo laga dareemayo Muuqaal Qaran-deeq ah.

FAALLO: Dhismaha Xukuumadda Cusub oo laga dareemayo Muuqaal Qaran-deeq ah.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

RW Xasan Cali Kheyre oo ay Mudanayaasha BFS bishan March 1-dii siiyeen Codkooda Kalsoonida ayaa waxa uu maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda oo ka kooban 26-Wasiir, 26-Wasiir-xigeen iyo  15 wasiiro-dowlo. Wasiiradda cusub ayaa isugu jira kuwo xilal hore ka soo qabtay Xukuumadihii hore iyo kuwo ku cusub Masraxa Siyaasadda iyo Maamulka Dowladnimo. Xildhibaano, Suxufi, Guddoomiye […]

- Advertisement -
- Advertisement -

RW Xasan Cali Kheyre oo ay Mudanayaasha BFS bishan March 1-dii siiyeen Codkooda Kalsoonida ayaa waxa uu maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda oo ka kooban 26-Wasiir, 26-Wasiir-xigeen iyo  15 wasiiro-dowlo.

Wasiiradda cusub ayaa isugu jira kuwo xilal hore ka soo qabtay Xukuumadihii hore iyo kuwo ku cusub Masraxa Siyaasadda iyo Maamulka Dowladnimo.

- Advertisement -

Xildhibaano, Suxufi, Guddoomiye Gobal, Ganacsato, Mas’uuliyiin hore iyo Diplomaasiyiin hore ayaa iyagana ka mid noqday Golaha Wasiiradda, iyadoo Danjirihii Somalia ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan haatan loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

 

Sidoo kale,. Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ahaan jirey Saxafi ee haatan hayey xilka Danjiraha Somalia ee QM ayaa Xukuumadda cusub ka noqday Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia.

- Advertisement -

C/rashiid Maxamed C/llaahi oo ahaa Guddoomiye hore ee Gobalka Bay iyo Sarkaal Hawlaha Samafalka ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee Somalia.

Golaha Wasiiradda ee maanta la magacaabay waxaa kaloo xubno ka ah Wasiiro Rug-cadda ah, kuwaasi oo laga markhaati yahay Waxqabadkooda Hufan.

Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng. Yariisow” waa Mas’uul xilal badan oo Qaran soo qabtay, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Warfaafinta, Lacagta, La-taliye Madaxweyne iyo Madaxii Xafiiska Ra’isul-wasaarihii DKMG,  Nuur Xuseen Xasan “Nuur Cadde”.

Waxaa kale  oo Wasiiradda caanka ah ka mid ah C/raxmaan Ducaale Bayle oo mar soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibedda, haatan loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda cusub.

Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadii hore, waxaa loo maagacaabay Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga.

Sidoo kale, Drs. Maryam Qaasim oo mar soo qabtay Xilalka Wasiirka W/barashada iyo Caafimaadka, waxaana haatan loo magacaabay  Wasiirka Arrimaha Samafalka iyo Maaraynta Masiibooyinka.

Marka doc kasta laga eego Qaab-dhismeedka Xukuumadda cusub waxaa laga dareemi karaa inay leedahay Astaan Xukuumad Qaran-deeq ah, waa laga yaabaa inay jiraan Siyaasiyiin ka caraysan saamiga ay Beelahooda ka heleen Golaha Wasiiradda.

Golahan cusub waxaa ku jira 6  Wasiir oo wada haysta Shahaadada Jamaacadeed, oo u badan PHD degree, 19 xubnood oo Xildhibaan ama Wasiiro hore usoo noqday iyo 6 Wasiir oo wada Haween ah.

©Radio Dalsan

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts