HomeWararWaqooyiga Kuurya oo tijaabisay dhowr Gantaal oo nooca Balaastikada ah.

Waqooyiga Kuurya oo tijaabisay dhowr Gantaal oo nooca Balaastikada ah.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Saraakiisha dalalka Japan iyo Koonfurta Kuurya ayaa sheegay inay Waqooyiga Kuurya saakayto 4-Gantaal ku tijaabiyeen meel ka baxsan Xeebaha W/galbeed ee dalka Japan. Qaar ka mid ah Gantaaladaasi ayaa ku dhacay Badda meel 300-KM u jirta Xeebaha Japan, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee Japan, Tomomi Inada.    Tijaabaddan ayaa timid, iyadoo ay Milliteriga Maraykanka […]

- Advertisement -

Saraakiisha dalalka Japan iyo Koonfurta Kuurya ayaa sheegay inay Waqooyiga Kuurya saakayto 4-Gantaal ku tijaabiyeen meel ka baxsan Xeebaha W/galbeed ee dalka Japan.

Qaar ka mid ah Gantaaladaasi ayaa ku dhacay Badda meel 300-KM u jirta Xeebaha Japan, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee Japan, Tomomi Inada.

- Advertisement -

  

Tijaabaddan ayaa timid, iyadoo ay Milliteriga Maraykanka iyo kuwa Koonfurta Kuurya ku guda-jiraan Carbis Milliteri oo u muuqda inay ugu diyaar-garoobayaan Dagaal.

Saraakiisha Milliterig Koonfurta Kuurya ayaa sheegay inaysan Gantaaladaasi u muuqaal ekayn Gantaalada isaga kala goosha Qaaradaha ee intercontinental ballistic missiles (ICBM), kuwaasi oo gaari kara Maraykanka.

- Advertisement -

Gantaalladan ay Waqooyiga Kuurya tijaabiyeen ayaa la sheegay inay wax ka dili karaan 1,000 KM.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka ayaa cambaaraysay Tijaabadaasi, sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Ku-simaha Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mark Toner.

Waxa uu tilmaamay inay Tijaabadaasi xadgudub ku tahay Qaraaradii Golaha Ammaanka ee QM ee lagu cambaareeyey Tijaabada noocaasi ah.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories