HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo ka codsaday Sacuudiga inay dhexdhexaadiyaan Dowladda Somalia iyo Imaaraadka...

Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday Sacuudiga inay dhexdhexaadiyaan Dowladda Somalia iyo Imaaraadka ee muranka Sadlhigga Milliteri ee Berbera.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Shabakadda Wararka Yalla Afrika ayaa markii ugu horreysay shaacisay inuu Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ka codsaday Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Salmaan Bin C/casiis inuu gacan ka geysto Dhexdhexaadinta arrintaasi. Madaxweyne Farmaajo oo Khamiistii hore booqashadii 1-aad ku tegay dalka Sacuudiga ayaa si cad rrinkaasi ugu soo bandhigay Kulan Khaas ah oo uu la yeeshay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shabakadda Wararka Yalla Afrika ayaa markii ugu horreysay shaacisay inuu Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ka codsaday Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Salmaan Bin C/casiis inuu gacan ka geysto Dhexdhexaadinta arrintaasi.

Madaxweyne Farmaajo oo Khamiistii hore booqashadii 1-aad ku tegay dalka Sacuudiga ayaa si cad rrinkaasi ugu soo bandhigay Kulan Khaas ah oo uu la yeeshay Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga, ahna Wasiirka Difaaca, Amiir Maxamed Bin C/Casis, waxaana Kulankaasi goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Caadil Axmed Al-jubeyr iyo mas’uuliyiin sarsare  oo ka tirsan Dowladda Sacuudiga.

- Advertisement -

Dhinaca kale. Shabakadda Wararka ee Riyadh Post.live oo Warbixinta Wargeyska Yalla Afrika u turjuntay Afka Carabiga ayaa qortay in Mas’uul Soomaali ah oo ka mid ahaa Wafdigii la socday Madaxweyne Farmaajo uu u dusiyey Saxaafadda Walaaca uu Madaxweyne Farmaajo ka muujiyey arrintaasi.

Madxweyne Farmaajo waxa uu Dhaxal-sugaha Sacuudiga u sheegay inay Dhexdhexaadintaasi ka qeyb galaan, iyagoo ka faa’ideysanaya Cilaaqaadka Wanaagsan iyo  Isbahaysiga Istaraatijiyadda leh ee ay Dowladda Imaaaraadka la leeyihiin, si loo joojiyo Qorshaha Saldhigga Milliteri  ee looga dhisayo magaalladda Berbera.

Labo isbuuc ka hor, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa shaaciyey inay Dowladda Federalka ka soo horjeedaan Heshiiska  Imaaaradka Carabta iyo Maamulka Somaliand ee dhismaha Saldhigga Milliteri ee magaalladda Berbera.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay DFS asktako rasmi ah u gudbinayso Dowladda Imaaraadka oo uu sheegay inay ku xad-gudbeen Qaanuunka Caalamiga.

Garyaqaanka Guud ee QM waxa uu tilmaamay inuusan sharci noqon karin  Heshiis kasta oo  dhinaca 3-aad lala galo, iyadoo aysan DFS ka war haynin.

Dowladda Imaaraadka waxay Heshiiskaasi la galeen Maamulka Somaliland oo horey u sheegtay inay Somalia ka go’een sannadkii 1991-kii, balse Somaliland weli ma helin Ictiraaf Caalami ah marka laga reebo Dowladda Ethiopia oo Safaarad ka furatay magaalladda Hargeysa.

Xigasho:- Yalla Africa & Riyadh Post.live

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts