HomeWarar(Warbixin): Taariikhda Shaqo iyo Xilalka uu soo qabtay Ra’isul-wasaaraha cusub

(Warbixin): Taariikhda Shaqo iyo Xilalka uu soo qabtay Ra’isul-wasaaraha cusub

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Aroornimadii hore ee saakayto waxa uu Madaxweyne Farmaajo xilka Ra’isul-wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ah Muwaadin Somali haysta dhalashadda dalka Norway. Ra’isul-wasaaraha cusub waa 49-jir ka soo jeeda Beesha Hawiye, gaar ahaan Murusade, wuxuuna inta badan xiligiisa ku soo qaatay dalka Norway oo uu ku noolaa. Waxa uu Madax ka soo noqday  Xafiis-gobaleedka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Aroornimadii hore ee saakayto waxa uu Madaxweyne Farmaajo xilka Ra’isul-wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ah Muwaadin Somali haysta dhalashadda dalka Norway.

Ra’isul-wasaaraha cusub waa 49-jir ka soo jeeda Beesha Hawiye, gaar ahaan Murusade, wuxuuna inta badan xiligiisa ku soo qaatay dalka Norway oo uu ku noolaa.

- Advertisement -

Waxa uu Madax ka soo noqday  Xafiis-gobaleedka Bariga Afrika ee Golaha Qaxootiga ee Norway (Norwegian Refugees Council (NRC).

Tan iyo sannadkii 2013-kii ilaa Haatan waxa uu hayaa xilka Agaasime-gobaleedka Bariga Afrika ee Shirkadda Soma Oil and Gas  ee laga leeyahay dalka Britain, taasi oo Qandaraas lagu baarayo Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ka sahmisay qeybo ka mid ah Xeebaha Somalia.

Ra’isul-wasaaraha cusub ee DFS, Xasan Cali  Kheyre waxa uu jaal dhow la yahay Madaxweynaha xilka ka degay, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu dadaal ka geystay Heshiiska lala galay Shirkadda Soma Oil and Gas.

- Advertisement -

Kooxda Baarayaasha QM ee xayiraadda Hubka saaran Somalia iyo Eritrea (The UN’s Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG)  waxay bishii March 12-dii  sheegeen inay baaritaan ku hayaan Shirkaddaasi oo uu Madax ka yahay Michael Howard oo haatan xubin ka ah Aqalka Odayaasha ee Barlamaanka Britain.

Warbixinta SEMG waxaa lagu xusay in Xasan Cabdi Kheyre oo  Shirkadda Soma Oil and Gas ugu qaabilsan dalalalka Bariga Afrika uu xiriir la leeyahay Xarakadda Alshabaab, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Halkan ka akhriso Warbixintaasi:

http://www.radiodalsan.com/2016/03/13/soma-oil-and-gas-oo-lagu-eedeynayo-inay-xiriir-la-leeyihiin-alshabaab/

Warbixin kale waxay Kooxda Baarayaasha QM ee xayiraadda Hubka saaran Somalia iyo Eritrea (The UN’s Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG)  ku sheegeen inaysan Soma Oil and Gas iyo Xasan Cali Kheyre wax xiriir ah la laheyn Alshabaab.

Halkan ka akhriso Warbixintaasi:

http://www.radiodalsan.com/2016/07/21/shirkadda-shidaal-ka-baarayso-xeebaha-somalia-oo-lagu-waayey-inay-xiriir-la-leeyihiin-xarakadda-alshabaab/

Ra’isul-wasaare Kheyre waxa uu dadaal u galay sidii uu isaga tirtiri lahaa Eedeymaha loo soo jeediyey, iyadoo Dowladda Norway, Kooxda Baarayaasha QM ee xayiraadda Hubka saaran Somalia iyo Eritrea (The UN’s Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG)  iyo Dowladda Britain waxay si wadajir ah u sheegeen in lagu waayey dhamaan Eedeymihii lagu soo oogay.

Ra’isul-wasaare Kheyre oo sannadihii la soo dhaafay ku noolaa dalka Britain ayaa waxay Dowladda Federalka u sharaxday inuu qabto xilka Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD oo uu haatan hayo Maxbuub Macallim.

Halkan ka akhriso Warbixintaasi:

http://www.radiodalsan.com/2016/04/14/xog-igad-oo-diiday-in-muwaadin-somali-ah-loo-magacaabo-xoghayaha-guud-ee-igad/

IGAD ayaa beenisay arrintaasi, sida laga soo xigtay Maxamed Cabdi Afeey.

Halkan ka akhriso Warbixintaasi:

http://www.radiodalsan.com/2016/04/16/igad-oo-beenisay-inay-diideen-inuu-muwaadin-somali-ah-xil-sare-ka-qabto-ururkaasi/

Dadaal sannado badan qaatay kadib, Xasan Cali Kheyre waxa uu nasiib u helay in maanta oo ay Taariikhdu tahay (February 23, 2017) loo magacaabay  xilka Ra’isul-wasaaraha.

Magacaabistiisa ayaa timid hal maalin kadib, markii la qabtay Munaasbadda Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaan la filaynin in Xasan Cali Kheyre loo soo magacaabi doono Xilkaasi, oo loo saadaalinayey Shaqsiyaad kale oo muddooyinkii ugu dambeeyeyKalyanti ku ahaa La-joogista Madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabistiisa ayaa la isla  dhex marayaa inay u fududeysay isagoo saaxiib dhow iyo xididba la ah Madaxweyne Farmaajo.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts